Gudoomiyaha Baarlamaanka oo sheegay in qilaafka madaxda si sharciya lagu dhameyn doono

by Yahye | Sunday, Oct 26, 2014

Muqdisho; HN;- Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ka hadlay khilaafka soo kala dhex galay madaxweynaha Soomaali iyo C/wali Sheekh Axmed ayaa shaaca ka qaaday in Dowladdu ay u dhameystiranyihiin hay’adaha dastuurka, isla markaana uu kalsooni weyn ku qabo in aay xaliyaan arinta ku aadan kala aragti duwanaanshiyaha u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha.

Gudoomiya Baarlamaanka ayaa hadalkaan sheegay ka hor inta uusan ka ambabaxin Garoonka Aadan Cadde xilli uu ku sii jeedyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Gudoomiye Jawaari ayaa yiri Waxaan beesha caalamka iyo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay is dajiyaan oo ay ku kalsoonaadaan hay’adaha dastuuriga ah ee dhisan, dowladdu waxa ay awood u leedahay in arrimaheeda gaarka ah ay ku xaliso gudaha dalka.

Qilaafka madaxada sarre ayaa hada u muuqda mid aan leeysla sii wada shaqeyn doonin, iyadoo cid walibana ku dadaaleyso inay hesho kalsoonida mudanayaasha baarlamaanka.

Dadka siyaasada u dhuun daloola ayaa Saadaalinayain uu meesha ka baxaya wasirka koowaad maadaama uu isagu ka fududyahay madaxweynaha, iyadoo inta laga gaaraya doorashada 2016 uu madaxweyne ahaanayo Xasan Sh. hadiise madaxweynaha meesha laga saaro waxaa macquula inta laga diyaarinayo doorasho in wadanku gallo fowdo iyo isku dhexyaac.

Maalmaha soo socda ayaa warku soo kala cadaan doonaa, iyadoona baarlamaanka lagu kala bixi doono.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!