Gudoomiyaha qurbo-jooga Xawaadle oo si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho, SAWIRO

by admin | Thursday, Mar 19, 2015

Muqdisho; HN;- Gudoomiyaha qurbo-jooga beesha Xawaadle mudane Tawane Sabriye Fiidse ayaa ka degay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya.

Gudoomiyaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aden Cadde ku soo dhaweeyey qaar ka mida odayaasha iyo siyaasiyiinta gobolka Hiiraan.

Gudoomiye Tawane oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in uu wadanka dib ugu soo noqday isagoona ka mahad celiyey soo dhaweynta heerka sare ah ee loo sameeyey.

Gudoomiye Tawane oo warkiisa sii wata ayaa sheegay sababta uu yimid inay aay atahay wakiil uu ka yahay inta badan reer Hiiraanka qurbaha isla markaana uu B/weyne uga qeybgalayo gogosha taala ee looga tashanayo mustaqbalka gobolka Hiiran.

Sida ugu dhaqsiyaha badan waxaan u ambabaxayaa Hiiraan ayuu yiri Tawane Fiidse isagoona siyaasiyiinta iyo odayaasha hada ku sugan Muqdishana ka dalbaday inay B/weyne isku wada raacaan.

Waxaa dhawaan ka dhacay magaalada B/weyne kulan balaaran oo loogu gogol xaarayay shir looga tashanayo aayaha gobolka Hiiraan, kaasoo lagu waddo inuu qabsoomo 23 bishan Maarso.

Tawane1

Tawane2

Hiiraan

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!