Gudoomiye Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo oo Jabuuti u ambabaxay

by Yahye | Friday, Nov 21, 2014

Muqdisho; HN;- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay Jabuuti.

Jawaari ayaa garoonka Aadan Cabdulle ee Muqdisho warbaahinta ugu sheegay inuu safarkiisa la xiriiro casuumaad uu ka helay dhiggiisa dalka Jabuuti, wuxuuna dalkaas uga qeyb galayaa shirka Jaamacadda Carabta.

Guddoomiyaha ayaa xusay inuu dalka dib ugu soo noqon doono Axadda, si uu Isniinta u shir-guddoomiyaha kalfadhiga baarlamaanka oo looga doodi doono mooshin ay horay u soo gudbiyeen qaar ka tirsan xildhibaannada.

Wuxuu dhanka kale, xildhibaannada uga digay inay ku kacaan falal carqalad ku noqon kara kalfadhiyada baarlamaanka, wuxuuna caddeeyay inaan loo dulqaadan dooni xildhibaankii xadgudub ku kaca oo laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa tilmaamay in kalfadhiga shanaad ee baarlamaanka ay hor yaallaan howlo adag oo u baahan in si ay mas’uuliyad ku wax looga qabto, si dalka loo gaarsiiyo sanadka 2016 doorasho xor ah.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!