Gudoomiye Jawaari oo dib u gurasho ka sameeyey mooshinkii raisulwasaaraha

by Yahye | Thursday, Nov 20, 2014

Muqdisho; HN;- Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed C. Jawaari ayaa laga soo xigtey hadalo muujinaya in mooshinkii ka dhanka ahaa Ra’isulwasaare Cabdiwali uusan meelmari karin isagoona tilmaamay in uusan mooshinku socon karin inta buuq aay sameynayaan xildhibaanada.

Jawaari oo labo jeer isku dayay in uu baarlamaanka horkeeno mooshinka ayaa la sheegayaa in haatan uu bilaabay dib u gurasho kadib markii maamulka Koofur Galbeed uu qabsaday Shariif Xasan oo aay siyaasada isaga soo horjeedaan, hadaba aqoonsiga madaxweyne Xasan ee doorashadii Shariif Xasan ayaa la sheegayaa in Jawaari aay wax badan ka badashay isagoona hada laga yaabo inuu xulufeysi la sameeyo Raisulwasaare Cabdiweli.

Si kastaba qilaafka madaxda sarre oo maalin walba meel xun sii galaya ayaa golaha wasiirada intooda badan waxay aaminsanyihiin in raisulwasaaruhu is casilo, warar hoose ayaa sheegaya in marka wafdiga madaxweynaha uu Denmark ka soo noqdo uu cadaadis ku saari doono Jawaari in uu qabto mooshinka, hadii uu ka diidana uu wasiirada taageersan ka dalban doono inay si wadajir ah isku casilaan taasoo culeyskeeda ku ah raisulwasaaraha kuna qasbeysa inuu kalsooni weydiisto baarlamaanka.

Maalmaha soo socda ayaa la ogaan doonaa sida xaalku ku dambeyn doono, iyo cida guuleysata.

Hiiraan Net

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!