Gudoomiye Jawaari wuu fashilmaye ha is casilo, WQ; Cabdiboqor

by Yahye | Monday, Dec 1, 2014

GOGOL-DHIG

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeenna Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Aqristoow kulankii 3-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ee xildhibaanada loogu qeybin lahaa warqadaha mooshinka kadhanka ah RW C/weli Sheikh Axmed “Yuulka” oo waxyaabo badanoo isbiirsadey lagu heeysto, inbadanna wax laga qorey, sida qormadii ciwaankeedu ahaa “Tobonka Sababood oo keenay in Xilka laga Qaado RW Cabdiweli Sheekh Axmed” iyo qormadii aan anigu qorey ee ciwaankeedu ahaa “Heshiis-ku-sheega Dowladda Dhexe & Maamul-Beeleedka Puntland waa Nikaaxii Mutcada!” ayaa maalintii Isniintii taariikhdu ay ku beegneeyd 24/11/2014 markale ku dhamaaday fowdo, ciyaal-suugnimo iyo dagaal, iyadoo dhamaan gudoonkii baarlamaanka uu soo xaadiray ama aan si kale u dhigno’e inta soo wada habjaqeen markii 3aad soo lug go’ay, waxaana nasiibdarro! Muuqata in mar 4-aad iyo ka badanba xaalku uusidaa  noqonkaro.

Waa su’aal da’weeynoo madaxa daalineeysee hadii markii 3-aad kulankii baarlamaanka qaranka ay afartameeyo “Xil-Madhibayaal” ah Isbaaro udhigteen, oo si anshax-xumo iyo ciyaal-suuqnimo ah u arbusheen heey’adii dhameyd ee sharci-Dajinta Qaranka, gudoomiyuhuna xakameeyn la’yahay, hade soow kuma haboona ileyn wuu fashilmaye in uu inta isgarto iscasilo, ileyn maalinkasta wuu soo luggo’aa, dib ayeyna inta ugu buuqaan uceliyaane, waliba isagoo wax xal ah aan ka gaarin, iskabadaa in uu gacan bir ah kuqabto, oo uu tallaabo sharci ah ka qaado’e?

Kulanka 1-aad fowdo iyo hab-dhaqan aanu filaneyn hogaamka Baarlamaanka wuu lakulmi karaa su’aashuse waxeey tahay, muxuu kulankii 1-aad ka faa’idey oo duruus ah? Soomaalida ayaa waxeey ku maahmaahdaa, “Mar idage Allaha dago, mar labaad idagase aneeys dagay!” Bal muxuu uga tabaabusheeystey si ciyaala-suuqnimadii hore udhacdey, aaneey markale usoonoqon? Maxaa tillaabo wax kuool ah ee uu qaaday guddoonka baarlamaanka, si uu u ilaaliyo geedi-socodka howlaha kalfadhiyada Baarlamaanka, iyo si loo ilaaliyo nidaamka iyo kala dambeeynta sharciyeed ee barlamaanka?. Xadiis Rasuulka (SCW) laga wariyeyna wuxuu leeyahay, “Qofka Muslimka ah, hal god laba jeer lagama wadaqaniino”. Waa wax maanka kaweyne sidee sadex kalfadhi oo isku xigtaahi, oo waliba gudoonku soowada xaadirayey, ay ugu suurtagashey in afartameeyo “Xil-Madhibayaal” ay waxkastoo ay doonaan kusameeyaan Baarlamaankii dhamaa ee qaranka, oo geedi-socodkiisii dhamaa ay inta Isbaaro udhigteen waliba uafduubeen, iyadoo waliba warbaahintii gudaha iyo dibadana ay Baarlamaankii dhex dhoobanyihiin, oo foolxumadaa iyo ciyaala-suuqnimadaa ay sideey rabaan isaga duubanayeen, oo caalamkana ugu gudbinayeen waxa dad ahaan iyo hogaan ahaanba aynu nahay, foolxumadaa Soomaalida niyad-jabka, iyo waji-gabaxa ku ahna ubaahinayeen?

Waxase xusid mudan in Xeer-Hoosaadka Baarlamaanku siinayo guddoomiyaha Baarlamaanka awood uu wax kaga qaban karo kuwa rabshadaha sameynaya. Waliba waxaa si cad Xeer-Hoosaadka ugu qeexan, in uu xaq buuxa uleeyahay in xildhibaankii buuq iyo fowdo sameeya uu kasaaro kulanka Baarlamaanka, malaha isaga ayaan garan awoodiisa ama aan laheyn dhiiranaantii uu ku isticmaali lahaa’e. Waxaa muhiim ah in ciidamo kufilan oo dharcad ah, sharciga iyo kaladambeeyntana ilaaliya Baarlamaanka lakeeno, laguna amro in kii ciyaala-suuqnimo kukacaba dhagta qabtee tuura/saara, ileyn meeshu Suuq Mallaay (Fish Market) ma aha’e. Inta kalana kalfadhiga waa in ay siiwataan, oo codka sidii waligeedba loogu kala bixijirey, haloogu kala boxo. Hadii hogaanku taa aanu awoodin, hade waa in  Gudoomiye Jawaare iyo labadiisa kuxigeenba ay is wada casilaan ileyn wey wada fashilmeene.

Sideedaba hogaan ma aha oo kaliya jago ama boos qofku uu heeysto, ee waa ficil iyo waxqabad. Qofka hogaamiyaha ahna kartidiisa, shaqsiyadiisa, howl-karnimadiisa, garashadiisa, tayadiisa, go’aan qaadashadiisa,iyo hufnaantiisaba waxeey si dhab ah usoo ifbaxaan marka dhib jiro, markaas ayaa “Bur iyo Biyo” loo kala baxaa. Waxa aadka loogu yaqyaqsoodo ee sadexdaa jeer ka dhacay Golaha Shacabka, waxeey ku suurtagali kareen oo kaliya laba sababood oo isugu wada biyo-shubanaya fashilka hogaanka Baarlamaanka: 1-In Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa kuxigeenba aaneey haba yaraatee laheyn tayadii hogaan (Leadership Quality) ee looga baahnaa, oo aaneyba hogaaminkarin baarlamaanka, gaar ahaan mar hadii fowdo jirto. Nasiibdarana! Waa sida loo barteyba, oo kooxdii yaree “Xil-Madhibayaal” ah, ee doonta in ay iska arburshto ama foowdeeyso Baarlamaanka, sababtuba waxeey doontaba ha noqotee, weey isaga dhaqaaqidoonaan mustaqbalka, marba hadii hogaanku sidaa u jilicsanyahay ama sida dhalinyaraduba tiraahdo uu “Moos uyahay!’.

2-Tan labaad ee foowdadaa iyo ciyaala-suuqnimadaa in ay sadex kulan oo isku xigta sidaa Baarlamaanka uga dhacaan suurtagalin karta, waa in Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeenadiisuba ay fowdadaa wax ka ogyihiin, raaliina ka yihiin. Waxaana jira sababo badan oo taa ifinaya, waxaana ka mid ah: A-Gudoomiye Jawaari wuxuu dhowr mar isku dayey in khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha wadahadal lagu dhameeyo, oo mooshinka laga daayo, wuuna ku guuldareeystey, iyadoo mooshinka dabcan dhinaca lagawadaahina yahay dhanka Madaxweynaha, oo heeystey codad kor udhaafaya illaa boqol iyo Afartan cod (140+), waa inta xildhibaannadan cusub aaaneey dib ugasoo biirine. B-Waxaa sidoo kale jirta in cabur/Presure-ka ka imaanaya Beesha Caalamka oo ay ku doonayaan in mooshinka la joojiyo, balse ay iyana ku guuldareeysteen, gudoomiye Jawaarise rabo in aaneey Beesha Caalamku ku nicin arintaa, hadalladiisa iyo ficilladiisaana sidaa ku tusinaya. C-Waxaa sidoo kale arintan fowdada wax kaogaashaha ah sii xoojiyey, markii uu Madaxweynaha uhambalyeeyey Shariif-Sakiin kadib “Doorasho-ku-sheegii” uu kusoo baxay, oo xaqiiqdiina ah nin ay aad siyaasada isugu hayaan Gudoomiye Prof. Jawaari, iyadoo waliba Prof. Jawaarina aad ugu dadaaley, in aanu kusoo bixin Shariif-Sakiin doorashada Maamul-Beeleedka Koonfur-Galbeed Soomaaliya, iyadoo waliba amaro lagu hakinayo geedi-socodka shirkana ay soo wada saareen dhamaan madaxda dalka ugu sareeysa, iyadoo arintaa mudane Jawaari uu garwadeen ka ahaa, waxaana intaa kuusiidheer in Ra’isulwazaare Cabdiweli “Yuulka” aanu uhambalyeyn Shariif-Sakiin, taasoo isku Jeel kadhigeeysa labadoodan (Jawaari iyo Yuulka). Siyaasaduse waa Ciyaar-Wasakheede (Dirty Game) inta la iska iloobay sumcadii, sharaftii iyo habsami-usocodkii Golihii Shacabka, ahna Hey’adii Sharci-Dajinta Qaranka, ayaa waxaa raali laga noqdey in “Xil-Madhibayaal” fara kutiris ah isbaaro ay udhigtaan Baarlamaakii Qaranka, iyadoo ulajeedaduna tahay “Qaniinyo Qaniinyaa kaa fujisa!”

Aan Ummada ubayaaniyo’e “Xil-Madhibayaasha” kasoo horjeeda mooshinka laga keeney Ra’isulwazaare Cabdiweli “Yuulka’, ee ku doodaya in mooshinku xaaraanyahay maadaama sida ay ku andacoonayaan qarash dhinaca Madaxweynaha ah lagu bixiyey, bal malee dhinaca kale in ay wadaniyad katahay kan ay ku diidayaan Mooshinka, ee sida ciyaal-suuqnimada ah gaarsiiyey in ay udhaqmaan. Soow xaqiiqdu ma aha in dhaqanka Baarlamaankuba iska noqdey, waliba cidkastana ay kadharagsantahay, marka madaxda sare ay siyaasada isku qabtaan, oo arinta mooshin gaarto, in ninkastaba dhaqaale xoogan ku dagaalgalo, Xil-Madhibaanaduna utahay marka ay ugu jecelyihiin, oo ay dhaqaalaha xaaraanta ah kawada sameeyaan, iyadoo kooxkastaahiba nin lasafato, dhaqaale xooganna uga qaataan, waliba qaarbaa labada dhinacba dhaqaale kawada qaata, iyagoo hadhoowna sideey doonaan codkooda kayeela. Taasoo midnaceedu yahay kuwan Ra’isulwasaaraha taageeysanna dhaqaalihii uu kubixiyey ayaa ka qeeylisiinaya, kuwa Madaxweynaha taageersanna sidoo kale. Balse kuwa Ra’isulwazaaraha taageersan waxa ay aflabadii ugula qeeylinayaan in mooshin lacag lagu bixiyey iyo waxa la mid ah kooxda kale wado, waa ismoogeeysiis, indha-adeyg iyo hallagaa sheego. Boor isku qarinta eey wadaan Xil-Madhibayaasha uuwato Ra’uslwasaare Cabdiweli “Yuulka” marka waa iska nafla-caarinimo maahane xaalka dhabta ahi waa “Hal Xaaraan ah, Nirig xalaal ah madhasho”. Cidina kama qarsana in xitaa qaabka ay guud ahaan kuyimaadeen Baarlamaanka ama ay kunoqdeen xubno Baarlamaan, uu laaluush iyo musuqmaasuq ahaa. Xilligii lasoo xulayey xubnaha Baarlamaanka ayaan qormo kasameeyey anigoo xilligaa Muqdisho joogay. Xildhibaankasta ayaa ugu yaraan bixiyey ama laga bixiyey $20,000/= si uu Baarlamaanka usoo galo, waxeeyna u wada tahay Maal-gashi, soocelin lafo iyo faa’iido in laga doonayana qasabtahay.

GUNAANAD

Gabagabadii waa yaabe hadii qofkii rabo uu iska arbushi karo, amaba bannadikaro kalfadhiyada Baarlamaankii Qaranka, ee maalinkasta dhib la’aan looga kala dareerayo arbushaadaa darteed, iyadoo kuwa waxaa ku kacayana aaneey wax cawaaqib xuma ah la kulmeynin, hade sideebuu Baarlamaankii qaranku ushaqeeynayaa? Soow waxweyn makhaldana, oo sixid hufan ubaahan, inta Ciyaal-Suuqnimo tan kasii xun aaneey dadka qaar caado kadhigan. Waa su’aal da’weeynoo madaxa daalineeysee, haddii la jeexjeexay Buuga Diiwaanka isxaadirinta Baarlamaanka, haddii la jaray Fiilada Codbaahiyaha Gudoonka, haddii laga dhigay Shaqadii loo hayay Qaranka Ciyaala-suuqnimo iyo fowdo, hadii sharciga iyo codadka Baarlamaanka aanan lagu kala baxeyn, hade ma qoryaha Zoo-gga iyo Dabajeexyada ayaa lagu kala baxayaa, sidii xilligii waallida iyo fowdada, ileyn cod iyo sharci la iska diidyey’e? Soow kumase haboona in Gudoomiye Jawaari iyo labadiisa kuxigeenba ay iswada casilaan, maadaama hogaanmintoodii Baarlamaanka ay si aad u xun ugu wada fashilmeen? Allow Sahal Amuuraha.

AbdiboqorQoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan, “Cabdiboqor”

Maamule ku xigeenkii hore ee Kulliyada Maamulka iyo Dhaqaalaha, ahaana Bare isla kulliyadaa ah ee Al-Madinah International University, Malaysia

abdulkadirphd@hotmail.com. Saint Paul-Minnesota, USA

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!