Gudoonka Baarlamaanka oo xukuumada ka codsaday inay furaha wadanka ee 252 soo celiso

by admin | Tuesday, May 12, 2015

Muqdisho: HN:- Gudoonka Baarlammaamnka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka dalbaday xukuumadda inay gacanta dowladda ku soo celiso lambarka furaha u ah wicitaanka taleefannada dalka ee 252.

Guddoomiyaha baarlammaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in lambarka lagu soo celiyo gacanta dowladda, maaddaama uu yahay hanti-qaran.

Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda, Jawaari ayaa xukuumadda ku boorriyay inay shirkadaha isgaarsiinta kala xaajooto soo-wareejinta lambarka iyo bixinta canshuurta qaranka.

Dhinaca kale, guddoomiye Jawaari ayaa shirkadaha isgaarsiinta ku ammaanay inay qabteen hawl muhiim u ah dalka iyo dadka.

Sida ay Soomaaliya u leedahay lambarka 252 ee furaha u ah wicitaanka taleefoonnada gudaha dalka ayaa waddan kasta oo ka tirsan caalamka wuxuu leeyahay lambar gaar u ah oo loo adeegsado wicitaanka taleefoonnada gudihiisa.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!