Gullaha guurtada oo waqtiga u kordhiyay xukuumada Soomaaliland

by admin | Monday, May 11, 2015

Hargeysa : HN :–Maalmihii aynu soo dhaafnayba Soomaaliland waxaa ka jiray khalalaase siyaasadeed, kaddib go’aan gor dhow ka soo baxay golaha guurtida Soomaaliland oo waqtiga u dheereeyay xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Siilaanyo.

Guurtida waxaa ay sheegeen in dib loo dhigay waqtiga doorashada oo xilli dheerad ah loogu daray hoggaanka Siilaanyo,taaso markiiba dhalisay in meelaha qaar ka dhacaan banaanbaxyo lugu diidan-yahay waqtiga loo siyaadiyey xukuumadda.

Guddi ka kooban 30 xubnood oo golaha dhexdiisa laga xuley ayaa soo saarey go’aamo dhowr ah, go’aamadaas oo isla maanta codslalaam aqlabiyad leh lagu meel mariyey waxaa ugu muhiimsan in sanad iyo toban bilood loogu daray muddo xileedka Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo goleyaasha Guurtida iyo Wakiillada.

HOOS KA AQHRISO GO’AAMMADA:

1- Waxa muddo xileedkii Madaxwaynaha iyo ku xigeenka Madaxwaynaha oo ku eg 27/7/2015, lagu sammeeyay korodhsiimo ka bilaabmaysa 28/7/2015 illa 27/4/2017.

2- Golaha Wakiiladda oo dhammaadka muddo xileedkoodu ku egyahay 27/7/2015, lagu sammeeyay muddo korodhsiimo ka bilaabmaysa 28/7/2015 illa 27/4/2017.

3– Muddo xileedka Golaha Guurtiddu wuxu noqonayaa hal sano ka dib dhammaadka muddo xileedka Golaha wakiiladda oo noqonaya 27/4/2017.

4- Doorashada Maddaxtooyada iyo Golaha Wakiiladdu waxay qabsoomayaan isla hal wakhti, ahna bil ka hor dhammaadka muddo xileedka loo kordhiyay , oo waafaqsan qoddobadda 42aad iyo 83aad ee Dastuurka Somaliland.

Qar ka mid ah xisbiyada mucaaradka oo u ka mid yahay xisbiga Wadani ayaa ka carooday go’aanka guurtida Soomaaliland ay waqtiga ugu dareen xukuumadda madaxweyne Siilaanyo,waxaana ay ku sheegeen tallaabo sharci darro ah oo aan sinaba loo aqbali karin waqtiga korarsiga xukuumadda.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!