Guriga guddoomiyaha degmada Jalalaqsi oo la weeraray

by admin | Thursday, Oct 1, 2015

Jalalaqsi : HN :– Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in weerar culus ay ku qaadeen guriga guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan Max’ed C/dulle Fiidoow.

Weerarka lagu qaaday guriga guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ayaa ahaa mid muddo kooban socday waxana ku dhaawaacmay mid Al-shabaab-Somaliakamid ah ilaalada guddoomiyaha.

Guddoomiyaha oo la hadllayay warbaahinta  ayaa sheegay in wax dhib ah aysan ka soo gaarin ayna iska caabiyeen weerarkii Al-shabaab ay ku soo qaadeen balse mid kamid ah ilaaladiisa uu dhaawac ka soo gaaray.

Waa markii ugu horeysay ee weerar lagu qaado xarunta guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, hase yeeshee waxa uu weerarkan ku soo beegmay iyadoo dhowaan ammaanka magaalada Jalalaqsi ay la wareegeen ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti. Hore ayaa waxaa ammaanka magaalada Jalalaqsi iyo nawaaxigeeda gacanta ku hayay ciidamada AMISOM ee dalka Burundi.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!