Guriga guddoomiyaha gobolka Bari oo xalay weerar lagu qaaday

by admin | Friday, Feb 27, 2015

Bari : HN :–Rag hubeysan ayaa weerar ku qaaday guriga guriga uu magaalada Boosooso ka degen yahay Guddoomiyaha Gobolka Bari  C/samad Maxamed Gallan.

Ku dhowaad toban nin oo ku hubeysnaa qoryaha darandooriga u dhaca iyo bumbooyin ayaa guriga oo ku yaal xaafaadda New Bosaso kaasoo weeraray dhowr jiho.

Dagaal xoogan ayaa dhax-maray ilaalada guddoomiyaha iyo kooxda duulaanka soo qaadday, waxaana weerarka ku dhintey askari kaGuddoomiyaha_Gobolka_Bari tirsanaa ilaalada mid kalena wuu ku dhaawacmey.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha gaaray dableyda oo iyagu baxsadey waxyar kadib markii ciidamo ka tirsan booliska oo gurmad ahi halkaas gaareen.

Waa weerarkii saddexaad ee noociisa ah ee muddo bil gudaheed ah ka dhaca magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Labadii weerar ee kan xalay dhacay ka horreeyey waxaa mas’uuliyaddooda sheegtay ururka Al-shabaab.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!