Gurigii taliyaha booliska gobolka Awdal oo dad careysani gubeen

by admin | Monday, Oct 12, 2015

Borama : HN: – Dad careysan ayaa maanta dab qabadsiiyey guri uu leeyahay taliyaha booliska gobolka Awdal ee maamulka Somaliland Cabdi Barqad Caraweelo.

Dadkan careysan ayaa ka mudaaharaadayay tacadi la sheegay in booliska gobolka Awdal aay shaley ka geysteen ciyaar kubada cagta ah oo dhex mareysay gobolada Awdal iyo Maroodi jeex.

Booliiska ayaa lagu eedeeyey inay rasaas ku dileen dad taageero u ahaa ciyaartooyda gobolka Awdal.Borama

Gurigan oo ku yaalay xaafada Fardaha ee magaalada Borama ayaa dad badan oo isugu soo baxay aay ku guuleeysteen inay dabka damiyaan, sidoo kale waxaa daminta ka qeyb galay gaadiidka dabdamiska.

Lama soo sheegin wax dhaawac iyo dhimashaa oo debku geystay laakiin guriga taliya ayaa debku waxyeelo gaarsiiyey.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!