Guryo dab la qabadsiiyay degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan

by admin | Thursday, Nov 27, 2014

Buula-burte : HN :– Wararka naga soo gaaraya degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dad careysan ay qamaameen kaddibna dab qabadsiiyeen sidda la sheegay guryo ay lahaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku yaalla degmada.

Guddoomiyaha degmada Buula-burte C/siis Duuroow ayaa sheegay in dadkan gubay guryahay siweyn uga caroodeen fal Al-shabaab ay kula kaceen qof rayid ah oo gaari uu lahaa ay gubeen isagiina toogteen islamarkaana gurigiisa ay dab qabsiiyeen.

”Dadkan waxaa ay ka xumaadeen falalka wuxuushimada ah oo ay ku dhaqmayaan kuwan la baxay Al-shabaab, waxaa ugu danbeysay2014318635307260939925100Dedmada_Buulo_burte_Somalia_MP (1) dhacdo ay ku dileen nin rayid ahaa oo doonayay in uu caruurtiisa u soo adeegto, gaarigii uu la socday ayeey ka dajiyeen waa ay toogeen, gaargiisii ay qabadsiiyeen, siddoo kalana gurigii ay ku noolaayeen agoota ayeey dab qabadsiiyeen ayuu yiri” guddoomiyaha degmada Buula-burte.

Waxaa uu sheegay in guryaha la gubay ee degmada Buula-burte shacabku og yihiin ay leeyihiin xubno hadda ka tirsan Al-shabaab, isaga oo intaa ku darray in markii ay arrintaa ka war helleen markiiba la xakameeyay.

Al-shabaab iyo dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaannada hoostaga degmada Buula-burte maalmihiii ugu danbeeyayba waxaa dhaxmarayaya dagaal ku saleysan wax ay ku tilmameen Al-shabaab Sako oo ay si qasab ah uga qaadaan dadka xoolo dhaqatada iyo beeraleyda ah.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!