Haamihihii shidaalka Berbera oo si hoose shirkado loogu wareejiyey

by admin | Monday, Oct 19, 2015

Hargeysa ; HN; – Wasiirka wasaaradda ganacsiga maamulka Somaliland, Muuse Qaasim ayaa maanta rasmi ahaan shaaca uga qaaday in haamaha keydka shidaalka ee Berbera, ee muranku ka taagnaa loogu wareejiyay shalay lix sharkadood oo gaar loo leeyahay oo xukuumadu ka kireysay.

Wasiirka oo war kooban siiyay BBC, wuxuu sheegay in shirkadahan lixda ah oo horeba u keeni jiray shidaalka Somaliland, ay wasaaradda ganacsigu ka kireysay haamaha shidaalka ee Berbera muddo labaatan sano ah.

Wuxuu sheegay in wasaaradu yeelaneyso awoodda kantaroolka iyo hubinta tayada shidaalka soo gelaya dalka. Faah-faahin kale ma bixin wasiirka ganacsigu.

Xafladdan lagu wareejinayay haamaha ayaa shalay ka dhacday magaalada Berbera waxaana gebi ahaanba loo diiday saxaafadda, iyadoona magaalada Berbera la geeyay ciidan dheeraad ah.

Sida laga warqabo, hore, ayaa baarllamaanka Somaliland cod aqlabiyad ah ku diiday in haamaha keydka shidaalka ee Berbera lagu wareejiyo ganacsato gaar ah, oo aan tartan furan u soo marin.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!