Habow Siyaasadeed iyo Hoggaan la’aan! WQ: Yahye X. Maxamed

by Yahye | Monday, Apr 28, 2014

Tan iyo markii talada dalka laga tuuray hoggaankii Kacaanka, dadka soomaalidu waxay raadinayeen, maamul hanta talada dalka. Hase ahaatee, isku day kasta waxaa hor istaagay awoodihii iska soo horjeeday, ee dalka ka jiray. Shirar badan oo dunida dacalladeeda lagu qabtay iyo heshiisyo badan oo la gaarayba, waxay ku dhammaadeen waxba. Mudda dher kadib, waxaa lagu guulaystay, in la sameeyo hoggaan ku hadla magaca dadka soomaalida. Hase ahaatee, wali laguma guuleeysanin awoodihii iska soo horjeeday in la dhammeeyo. Waana culayska hortaagan maanta maamulka jira, waana culayska ku imaandoona maamulka danbe, haddaba, maxaa la gudboon dadka soomaalida, maadaama dhibaatadu ay 30 jirsad ku sii socoto?.

Waxaa markan habboonaan lahayd arrinta dhan kale in loo wajaho, si looga hortago culays ku yimaada maamulka danbe ee imandoona, sida: 1- In La joojiyo maamulladan is bar bar yaaca ah ee nin waliba jeebka ku sito.  2- In xoogga la saaro hanashada gobollada dalka iyo tuulooyinkoodaba. 3- In ammaanka dalka oo dhan laga hor mariyo wax kasta, haddii intaa lagu guuleysto maamulka barri imaandoonaahi wuxuu heli doonaa meel uu hawsha kasii anba qaado, hadiise lagu guul darraysto muumulkan, ka danbeeyaahi ma imandoono waxayna dadka soomaalidu noqon doonaan, maamullo yar yar oo Itoobiya iyo Keenya hoostaga, sida haddaba ifafaalaheedu muuqdu.

Intaa kadib, waxaan qoraalkaygan ku soo bandhigayaa, dhibaatooyinka laga dhaxlidoono ”habka isku darista” waxa afsoomaaliga lagu yiraahdo. Habkani wuxuu dadka soomaalida u horseedi doonaa culys hab maamul oo hor leh, oo ay adkaandoonto. Sida looga gudbo 25 gu’ oo hada lasoo dhaafay culayska ugu badani wuxuu ahaa Beelaysi, dadka soomaaliduna kuma aanay kala tagin, hase yeeshee, 25 sano ee soo socota culaysku wuxuu noqondoonaa dhul iyo deegaanm bar iyo beer, dadka soomaaliduna way ku kala tagi doonaan, haddaan maanta dadka arrintu ka jira aanay aragtidooda wax ka badalin, maxaa yeelay, waxaa adkaan doonta dhallinyarada ku qaan gaarta maamulladan in midnimo soomaaliyeed laga dhaadhicyo. Waxaa kale oo dhici doonta in deegaanba deegaan soodinta ku qabsado.

Waxaa kale oo jira daldaloollo dadka soomaalida laga soo galo marka la doonayo in dano gaar ah laga gaaro ”lacag jacayl”. Lacag jacaylku waa halista u horseeda dadka mararka qaar jirkooda xitaa in ay iibiyaan.  Waa dhibaato wayn oo dadka soomaalida ku habsatay, oo ay adagtahay in laga gudbo, haddaan aad loo fakarin. Waxyaabaha uu Ilaahay Aadanaha kaga digay, uuna yiri: “lacagtiina iyo carruurtiinubu halis ayey idinku yihiine iska jira!” tusaale ahaan, maamul kasta oo soomaaliya ka dhasha waxaa lagu eedeeyaa wax is daba marin, iyo in aan wixii soo gala oo dhaqaale ah aanu halkii loo baahnaa marnin. Haddaba dadka soomaalidu ma is waydiiyeen, wax is daba marinta ma maamulkaa wata, mase dadka ayaa wata? Jawaabtu  waxay tahay dadka ayaa wata, maxaa yeelay maamulku wuxuu ku xiranyahay cidda maamulaysa iyo sida ay u maamulayso, haddaba, shacab intiisa badan wax is daba mirntu ay dhaqan u noqotay maamul wanaagsani ma u dhalanayaa? Halkee ayuu ka imaanaya qofka wax maamulayaa, sow shacabka uun ka iman maayo? Bal hoos u eega arrintani waa waxyaabaha saldhigga u ah, halka ay maanta soomaalidu taallo, xitaa haddaanu u laabnno xilligii gumaystuhu dhulka soo galay, waa meelihii nala ka soo galay ee keentay soomaalida in sidan loo qaybiyo. Bal ”suugaan” yar aan ku cabbiro midka lacagta jecel iyo siduu yahay:

Dhammaan bahalku wuu wada cabbaa, dhiigga noolaha’e

Dhidirkaa ugu daran jeer haddaan, layska dhicinayne,

Dharaar iyo habeen kalama lahan, jeeruu soo dhacaye,

Dhacanta ooda adigoo madaxa saaray, dhaladiisa

Dhabarkuu ka soo galahayaa, dhadada waagiiye

Iska dhowra, waa waxa na dhigay, dhadidan Cayreede.

Haddaba Dhidirka waxaa la mid ah ama kaba daranba qof dhulkiisa iyo dadkiisa dhaqaale dhaafsaday. Maantana dadka soomaalidu dhulkooda iyo dadkooda dhaqaale ayeey dhaafsanyaan. Inta badan dadka soomaalida ah waxaa dhaqan u noqotay, maamul kasta oo la dhiso in lagu eegto howsha iyo waxqabdka dalka iyo dadka oo dhan. Waa su’aale imisa qof ayuu maamulku ka koobanyahay? Maxayse la egtahay howsha laga sugayaahi? Ma idin la tahay in dhowr iyo labaatan milyan dad tiradoodu gaarayso ay wax u qaban karayaan dad aan laba boqol oo qof ka badnayn, haddii aan labaatanka milyani wax la qabanin? Jawaabtu waa maya, waana waxa aan ilaa maanta halkaa aan uga gudbi la’ naha.

Dadka soomaalida markaad aragto dhaqankooda, waxaa kugu soo dhacaya qiso dhexmartay Nabi Muuse iyo reer Benii Israail, markii reer Benii Israiil la faray inay galaan Quddus oo ay gaaladii ku jirtay ka saaraan, maxay ugu jawaabeen ‘Nabi Muuse? Waxay yiraahdeen: “Muusoow inagu gali maynno magaaladaas waligeen, intay dadkaasi ku jiraan, ee adiga iyo walaalkaa aada, oo kula soo dagaallama, inagu halkan ayaanu sii joogaynaaye.”.

Haddaba dadka Soomaalidu maamul kasta oo la sameeyo, waxay ku yiraahdaan ordoo dalka  iyo dadka adinku hagaajiya, inagu halkan ayaanu fadhinaynaaye. Sidee ku dhacaysaa maamul aanu dadkiisu garbaha qabanin in uu meel gaaro. ”SUUGAN” ka mid ah suugaanta Soomaaliduna waxay oranaysaa:

In kastoo nin geesiya

Ragga gaado dheeryahay

Haddaan garabka lala qaban

Guri oodi maayee!”

Taasina waxay tilmaan u tahay qofina in uusan garab la’aan waxba qaban karin. Gabagabada:

waxaan ku soo afmeerayaa, tix la yiraahdo ”SABAN”:

 

San ku neefle waligii dunidan, waa ku salalaaye

Saxariirta waa loo qoriyo, silaca joogtaaye

Samirbaa lagaa doonayaa, sabanka waagiiye

Sunna weeye Eebbuhu dhigiyo, surin la qaadaaye

Waxse nala ka sugayaa in aan, seexan waligeene

Siddeed iyo sagaal iyo haddii, soddon naloo qaybsho

Soomaalibaan nahay dadyohow, saa ha la ogaado!

Ssinjigeennu waa meel qurehe, saa ha la ogaado,

Sawrucu mid weeye dadyohow, saa ha la ogaado

Sowdkiyo afkuba waa sidee, saa ha la ogaado

Siyaasadi col weeye dadyohow, saa ha la ogaado

Suugaan abwaan hore tishoo, sowdki waa birya

Ayaa lagu sifeyee dadkaan, saa u garanayne

Sareedo ama hadday silac ku tahay, noloshu seeg seeg ah

Ama ay samaan iyo xumaanm saa isugu hayso

Soomaali soomaalibaa lehe, dadyohow saa ha la ogaado

Dadkayga waan jeclehee, Ilaahow isu daa, qalbigood isu dooji.

 

Yaxye Xaashi Maxamed

geesilove@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!