Hadaad uga dareysid sideeda u daa, WQ; Dirir Goodax

by Yahye | Wednesday, Jun 11, 2014

Waxaa maalmahaan caadi iska ah in aad maqasho dad isku wargalinaya ama dhahaya, magaalooyinka  sida Xudur, Qoryooleey, Buulo burte, Ceelbuur waa go’doon ama waa lagu hareereysan yahay, taas oo loola jeedo lama gali karo, lagama soo bixi karo. Hadalkaas oo u dhadhamaya in Al-Shabab loo sameynayo dacaayad dhiirigalin, isla markaa loo qirayo awood aanay hayn. Waxaa mudan in la isla fahmo:

1) haddii Al-Shabab ay leedahay awood ay ku go’doomiso magaaloyinka aan soo xusay, markii horaba kama baxdeen oo waa difaacan lahayd ama xajisan lahayd.

2) Falka noocaas ah waxaa ku habboon in lagu magacaabo “jidgooyo burcadnimo” meereeysaneysa, gaar ahaan, meelaha dabeecada degaanku tahay buuraleey ama hawd gabaad fiican leh (lagu dhuuman karo).

3) Qorshaha Dawladda iyo hawlgalada lagu xoreynayo magaalooyinka oo u muuqda kuwo qabyo ah oo aan ku saleysneyn jaangooyo cad oo isugu xigta hab qodobeysan is dhameystiraya.

Arrintaan (qodobka 3-aad) waxa ay dadweynaha ku abuurtay:

a- tuhun ah in Dawladda iyo xulufadeedu aanay daacad ka ahayn dhameeystirka mushruuca xoreeynta iyo la dagaalanka Al-Shabab.

b- In, Al-shabab la siiyay kalsooni ah, in aan laga taag iyo tabar rooneyn iyo waliba fursad ay isku abaabusho ciidan ahaan iyo xeelad ahaan “If you can’t bite, never show your teeth”.

t- In, haddii xaaladdu sidaan sii ahaato oo aanay jiri isku socodkii iyo dhaqdhaqaaqii ganacsi iyo mehered ee magaalooyinka la xoreeyay, aan dawladda lagu qabi Karin kalsooni, isla markaana uu sii xogeeysto shakiga laga qabi karo soo noqoshada Al-shabab. In kastoo, shaqsiyan, aanan fursadaas u quurin Al-shabab.

Marka laga hadlayo kalsoonida dadweynaha waxa tusaale kaaga filan in magaalada Buuloburte laga saaray Al-Shabab 13-kii Maarso 2014 ilaa iyo hadana ay jirto xanibaadii iyo jid-gooyadii oo culeys weyn ku ah nolosha iyo maciishadda qofka iyo qooyska. Kuma filna mana deeqdo ummadda halkaas degan macaawino kooban oo muddo kadib dayaarad keento, waxa ay leeyihiin degaan barwaaqo ah xagga duunyada, dalaga beeraha iyo biyaha, waxa ay u baahan yihiin fursad iyo xoriyad ay danahooda ku maareeyaan.

Magaalo ma aha oo keliya xadka iyo xuduuda dhismaha degaankeeda, balse waxa ka mid ah kaabayaasha dhaqaalaha (Infrastructures) oo aan si gaar ah u xusayo waddooyinka, mudnaanta ay markaan leeyihiin awgeed.

Sidoo kale, waxaa xusid mudan in kasbashada kalsoonida dadweynaha iyo ka qaybgalkiisa dagaalka lagula jiro Al-Shabab uu yahay lagama maarmaan an la’aantiis la gaari Karin guul lagu naaloodo,dhab ah, la mahadiyo.

Muran kama taagna in Al-Shabab ay ka mid tahay moowjadaha masiibooyinka, muddo ka badan rubuc qarni, lagu aafeeyay dalkeena iyo dadkeena. Waana midka ugu qatarsan marka laga fiiriyo dhinacyo badan, sida:

– qaabka hawgalka dagaalka.

– fikirka ay adeegsanayaan oo ah mid diini ah.

– shabakada xiriirkooda oo lagu tilmaami karo mid fog oo maldahan.

Gabagabo

Dawladda Federalka ayaa looga fadhiyaa jaangooyo qorshe suurtogaliya in magaalooyinkaas aan soo xusay loo dhameystiro xoriyadda qabyada ah oo culeys iyo caqabad ku ah dhinac kasta oo laga eego nolosha qofka iyo qooyska halkaas ku sugan.  Dib-u-dhac kasta oo arrintaan ku yimaada waxa uu abuuri karaa:

1) In la lumiyo kalsoonida dadweynaha.

2) Ididiilo, ismahadin iyo fursad dhiirigalin oo Al-Shabab u bidhaanta (u muuqata).

3) Gobolada iyo magaaloopyinka kale ee gacanta Al-Shabaab ku jira oo rajo xumo iyo quus la soo gudboonaato, sidaana ay ku lunto taageerada ay u hayaan Maamulka Dawladda Federaalka Somaaliya (DFS).

 

Qore: Dirir Goodax

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!