Haddaan Madaxweynaha ahaan lahaa! WQ: Bashiir M. Xersi

by Yahye | Monday, Nov 12, 2012 | 19 views

Afeef

In kasta oo aan ogahay in aragtida koowaad ee cinwaankaa laga qaadan karo tahay: “MADAXTINIMO JECELAA!”amaba noqon karta meeshii laga dhihi jiray: “Habar fadhida Lagdan la fudud!”. Kaba sii darane, aanbaogahay dhibka qarada weyn ee horyaal ninka Soomaali madax u ah ama maamulkeeda qayb ka ehe. haddana “Nin xil qaaday eed qaadye!” bal aan ku dhiirrado inaan dhawr qodob ka qoro, oo aan ku qilaafi lahaaMadaxweynaha.

Arar

Inta aanan gudagalin tallaabooyinka aan qaadi lahaa xilligan qallafsan oo kale, haddaan Madaxweynaha ahaanlahaa, ayaan doonayaa inaan wax yar ka iraa hoggaankaiyo hoggaaminta, dabcan ayna halbeeg u tahayhoggaamiyaha, illeen labada hore kan dambe la’aantood waxma ahaadeene, inuu isagu hal abuuro ka sokow, waxayba ku xiran yihiin hawshiisa, halka uu higsanayo iyonatiijada wax qabadkiisa ah.

In kasta oo casrigan qaab nololeedka dadku aad u hormartay, ay jiraan shuruudo badan oo hoggaanka,hoggaaminta iyo hoggaamiyahaba lagu xiro, haddana, kuwaa iyo kuwa dib ka imaan kara ama kuwo laga gudbayba sida loo nool yahay awgeed, waxaa biyo kama dhibcaan ah, in hoggaamiyaha aan GACAN LAGU SAMAYN, SANDUUQ DOORASHANA laga soo dhex bixin, ee ay tahay ABUURIS iyo BAXAALLI hore, oo dabcan ay wehliso WAAYO ARAGNIMO iyo KHIBRAD nololeed, balmurtidan dhuux: “Dadku waa : Madax ku cirroole [Waayeel] Maan ku cirroole [Waayo arag] iyo Mijo ku cirroole [Dalmar/Dhulmareen]”.

Dhibka Soomaalida la degay ee isugu jira faragalinta shisheeye, shisheeye kalkaalka, qabyaaladda iyodhimaalka dhaqanka, si kale haddaan u dhaho: lagdanka gudaha iyo loollanka dibadda ka sokow, waxaa jira arrin muhim ah, oo aan wali lagu baraarugin, haddaan taa xalkeeda la helinna aan xalka Soomaaliya soo degdegayn, haddii uusan qar dheer iyo haadaan ka sii dhicin.

Arrinta lagu baraarugi waayey waxay tahay: HOGGAAMIYEu qalma inuu Soomaliya hoggaansho, ama ugu yaraan lehastaan hoggaamiye, dib u eeg sooyaalka, ka billow Cali Mahdi Maxamed, C/qaasim Salaad Xasan, C/laahi Yuusuf, Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekha hadda jooga, qaarkoodArina lama raacsadeen iska daa in Qaran ay hoggaanshaane, haddana, madaxweyne baan ka dhigannay, dabcan doonistooda waxaa ka muhimsan inaan anagu u dhul xaarno.

Hoggaanka qalloocan ee Soomaalida la haray maanta ma soo billaaban, bal adba sooyaalka dib u eeg, Ina Cabidille Xasan inuu sida Alshabaab u dhaqmayey marka laga soo tago, oo KALI ISLAAM ahaa, dhanka kale, waxaa laga dhaxlay eragii ahaa: “WAXAA XUJOWDAY!” Maxamed Siyaad Barre, dadku marka ay ka yaabeen caburintiisa iyo cadaadiskiisa ayey dheheen: “AMA AFWEYNE AMMAAN AMA AFGOOYE AAD!” haddaba xaggee wax ka qaldan yihiin?!

Hoggaamin habboon

Murti dhaxalgal ah oo Soomaaliyeed baa tiraa: “Xukun waxaa kaa qaada: GAR QALLOOCAN, GACAN LAABAN iyo GUDDOON JILICSAN” midda dambe in kasta oo isla markiiba maanka ay ku soo dhacayo erayada sadarka sare ku qoran, haddana, sidaa ma ahan, maxaa yeelay, guddoon jilicsan loogama jeedo inaad dadka ku amar ku taaglaysoama aad kali taliye noqoto, balse, waxaa looga jeedaa inaadan noqon in go’aan jilicsan ee inta go’aan qaatahaddana ka laabta.

Saddaxda qodob ee murtida ku jira, midba si baa loo hirgalshay, walise ma dhicin in mid qura ama dhammaantood sida murtidu u sheegayso loo hirgaliyey, iyadoon la xadgudbin ama lagu talaxtagin. Marka waxaan dhihi lahaa xal raadinta Soomaaliya ha lagu daroHOGGAAMIYE RAADIN, macnaheeda ma ahan in laMACMALI karo, balse, in hoggaanka ruuxa qabanayo nala ka eego, si aan mar walba u dhicin: “Jugjug meeshaada joog”.

Haddaan Madaxweynaha ahaan lahaa

Haddaan intaa ku daayo horudhacaa, aan gudagalo dulucda qormada, sida Madaxweyne Xasan Sheekh ugu soo baxayjagadan qarada weyn, waxaa isa daba xigsaday falal dhawr oo dhacay maalintuu noqday Madaxweyne ilaa maanta, oo dabcan mid walba ka mid ah miliqa siyaasadeed iyo maamul ee Waddanka ka jira, ee aysan sina u sahlayn in lala falgalo, haddana, waa meeshii laga dhihi jiray: “Adaa doonee dabiib!”.

Haddaan Madaxweynaha ahaan lahaa: Kama baaqdeen in aan ka qaybgalo fadhiga Jamciyadda Quruumaha, si aan uga hadlo waxa aan ka qaban doono qodabbadan iyo kuwo kale:

1.Nabadsugidda iyo ammaanka
2.Dib u heshiisiinta iyo daminta colaadaha
3.Dib u dhiska iyo dib u dejinta
4.Garsoorka iyo sinnaanta
5.La dagaallana Argagixisada iyo Burcadbadeedda
6.La dagaallanka Musuqmaasuqa
7.Sii wadidda wadahallada Koofurta iyo Waqooyiga
8.Dhammaystirka qaab dhismeedka dawladeed IWM

Haddaan ka baaqdana uma dirsadeen inuu wakiil iga noqdo Mudane Gaas, maxaa yeelay mudane Gaas Dunidu waxayku eedaysay Musuqmaasuq, Soomaaliduna waxau ku summadday Qabyaalad. Aqriste, ma aqbali lahayd inuu ninkaa oo kale ku metelo, marka laga soo tago inaadba fursad qaali ah luminayso? Maxaa u diiday inuu dirsado mudane Jawaari oo ay isla wada cusub yihiin, oo aan tuhun dhaqaale lunsi laga qabin, qabyaaladna wali lagu sheegin?!

Haddaan Madaxweynaha ahaan lahaa: Kama gaabsadeenXasuuqii Janaay Cabdalla, maadaama falkan ay si wada jir ah u cambaareeyeen IGad iyo Amisom, halka Kenya oo ciidamadedu xasuuqa gaysteen ay tiri baritaan baan ku samaynaynnaa. Anoo fursaddaa ka faa’iidaysanaya, ayaan cambaaraynta u raacin lahaa in aan dunida ka codsado in baartin dhab lagu sameeyo, ogow, oo waxaa laga yaabaa inaan lagaa hoos qaadine, balse, qaylo yeysan kuu yaaran!

Haddaan Madaxweynaha ahaan lahaa: Kama aamuseen qabashada Kismaayo, oo ay gudaha u galeen ciidamo nooc walba leh, Kenya, Amisom, dawladda iyo Maleeshiyo beeleed. Ugu horrayn, ujeedka Maleeshiyo beeleedku waxaa hore u sii sheegay Faarax Macallin oo yiri: “Ma dhici doonto in mar dambe Xamar looga taliyo Kalbiwo, ninka taas ku riyonaya, waxa uu ku nool yahay qarni kale…”.

Dhanka kale, damaca Kenya ku doonayso inay Shidaal ka baarato biyaha Soomaaliya ma ahan qarsoodi, si looga hortago isbahaysi dhex mara horjoogayaasha maleeshiyaadkaa iyo ciidanka Kenya, mawqif cad bay u baahnayd.

Maanta waxaan taagannahay in wafdi dawladda iyo Amisom ka socda Garoonka Diyaaradaha Kismaayo laga soo celiyo, waxay muujinaysaa fashalka heerku uu gaarsiisan yahay, ogow, hore waa looga digee, bal sii goob qoradii ahayd: “Kadeedka Kismaayo!” arrintu yeysan idin la noqon deegaan iyo dawlad ee waa madax bannaani iyo qarannimo.

Haddaan Madaxweynaha ahaan lahaa: Kama baaqateen dawladdu shirkii ka dhacay Kenya, ee ay isugu yimaadeenKenya iyo Ethiopia, balse, lagu sheegay shir IGAD oo ku qabsoomay magaalada Nairobi, oo looga arrinsaday aayaha iyo maamul u samaynta Jubbooyinka, ugu yaraan shirkaamarti sharaf iyo mustamiciin al kiraam bay ahayd in laga noqdo, illeen ma dhici karto in Kismaayo marti looga yahay Kenya iyo Ethiopia, haddii kuwii ku maqnaa aanba lagu haysan, haddana ma kuwii kale ayey sida ay rabaan ka yeelayaan? Allow adaa faxan.

Haddaan Madaxweynaha ahaan lahaa: Madax kale shir lama qaateen anoon astaantii calankayga u jeedin, hilmaam waa gaarkiis, oo haddaa calanku ma yahay wax la halmaami karo? Dad baa ku dooday arrintaa waxaa xilkeeda leh safaaradda loo martida yahay iyo shaqaalaha madaxtooyada ka shaqeeya ee madaxweynaha la socda, oo haddaa isagu ma dareen buusan lahayn, wuu arkaa in meesha hal calan kaliya yeelle, ma wuxuu diidmo ka sugayaa shaqaale saxafiiseed ama safaarad? Anigu ma garan taa!

Haddaan Madaxweynaha ahaan lahaa: Muddo gaaban baan ku dajin lahaa qorshe la xiriira ammaanka iyo nabadgalyada, inuusan si sahlan ku qabsoomayn waan ogahay, haddana, sheegiddiisa iyo hadalhayntiisu waxbay taraysaa, ha ahaato dadka nabaddooda la sugayo iyo kuwa laga ilaalinayaba, maxaa yeelay qayb weyn oo ka mid ah ammaan xumada jirta waxaa xilkeeda leh madaxda qaabilsan nabadsugidda iyo ciidanka, badankoodana xilka waan ka qaadi lahaa gaar ahaan kuwooda baaritaannadu ku socdaan ama hore loogu helay falal aan suubbanayn!

Haddaan Madaxweynaha ahaan lahaa: Lama raageen magacaabista Ra’iiusl Wasaaraha, qofka iman doona illeen mar walba dadka ma wada qancin doonee, sidaa owgeed, eedi ii yaraa maysee aanba la soo dhaqsado “Hawl ku sugaysa waa la harrakeeyaa” ka sokow, eedda dambe iyo guryanka aan dhammaanayn, yeysan ii raacin madax xanuun iyo Goonjab!

Haddaan Madaxweynaha ahaan lahaa: Golaha Wasiirrada kama dhigeen Toban Wasiir, anoo garan kara inuu is lahaa inta la dhimi karo ha la kala yareeyo, isagoo ka dharsanayey: “Dherigii fara bataa waa Fuud xaraareeyaa!” haddana, kama dhigeen toban iyo wax la mid ah, marna kam a yareeyeen siddeed iyo toban, haddaana laga sii badan karin oo labaatan la gaarsiin karin.

Haddaan Madaxweynaha ahaan lahaa: Abtigay Golaha Wasiirrada kuma soo dareen, inuusan xaq u lahayn ma ahan, balse, marxaladda la marayo awgeed, maxaa yeelay inta aad eed ka fogaan karto waa laga fogaadaa.

Haddaan Madaxweynaha ahaan lahaa: Kama gaabsadeendhoofinta dhuxuasha, oo uu jiro qaraar QaramadaMidoobay ka soo baxay oo sheegaya inaan la dhifin karindhuxusha. Dhanka kalana, aan taageero uga helayo kuwa u ololeeya dhirta iyo geedaha, oo lagu awr kacsan karo, maadaama qodobkan mar kale hoos galayo maamulkaKismaayo.

Ugu dambayn, maalinnimadii doorashada Obama oo aniga habeen ii ahayd, baa anoo daawanaya program laga diyaarshay ayaa waxaa aad i taabtay; Obama oo inta gaarigiisa raacay Istaafkiisa Quraac u doonay, qof walba wixii uu dalbaday u soo gaday, ee lahaa Qaxwo, Rooti Iyo Baradho IQB.

Muuqaalkan waxaan ka dhex waayey madaxda dunidaMuslinka, gaar ahaan kuwa Soomaalida, marka laga reebodhacdooyin Taariikhi ah oo la sheego, oo haddaa taa ma inagaa u joognay. “Indhahaa kuu Macallina” baa Muqdisha laga yiraa markan oo kale, maadaama aan kor ku xusay Hoggaamiyaha aan mudannahay. Bal idinka sidayidin la tahay; Hoggaamiye caynka Obama oo kale ah?!

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

Like it? Share it!