Hadii sharcigu dambi galo yaa lagu dacweeyaa WQ; Jamaal Gacal

by Yahye | Tuesday, Nov 25, 2014

Sida aad la wada socotaan baryahan waxaa jiray is qabqabsi xagga siyaasadda ah, kaasoo u dhaxeeya madaxda ugu sareeysa dalka somaaliya sida  Madaxweynaha iyo raisulwasaaraha.

Khilaafkan ayaa noqday mid cirka isku shareeyey iyadooba la dhihi karo faraha ayuu ka baxay rajo aay ku sii wada shaqeeyaana ma muuqato.

Suáashu waxay tahay hadii xaalku xumaado xagee loo cararaa? Ama hadii aan si kale u dhigo xagee lagu kala bixi karaa? Khilaafku ma aha mid Somaliya kaliya ka dhaca dadyowga aduunku dhamaan weey nala qabaan, waxayse u cararaan oo kala saara sharicigooda aay dagsadeen iyo sharci ilaaliyayaashooda oo ah golaha baarlamaanka.

Somaliya nasiib darrada heshay ayaa ah maba jiro sharci qeexan oo kala celin kara hadii muran siyaasadeed yimaado, waxaase kasii darran baarlamaankii la rabay inuu hadii dhib dhaco si wadaninimo iyo caqli ku dheehan aay u xaliyaan uu noqdo mid fowdo iyo kaladambeyn laáan ku qaatumo seegay.

Hadii Sharcigii iyo baarlamaankii uu sidaa noqday soow lama dhihi karo aanfo cusub oo ummadda soomaaliyeed kusoo korodhay, waad ogtihiin Baarlamaankii soomaaliyeed oo ahaa kala bixiyaha hadii arintu cakiranto ayaa waxa uu noqday meesha ugu horeysa ee fowdada laga sameeyo.

Sida aan ka baranay dimoquraadiyada koox kasta waxay xaq u leedahay inay cabirto fekerkaada si waafaqsan qaanuunka aduunka, kadibna arinka lagu dhameeyo meeshii loo bato ama fekerkii tirada ugu badan u codeysa loona hogaansamo, hadiise arinku noqdo gow iyo gash maleh maxay dhaantaa isbaaradii u taalay mooryaanta oo la soo dhigay baarlamaankii ummada Somaliyeed matalayay gudahiisa.

Gudoonka baarlamaanka laftiisa hadii aay xakameyn waayeen tiro yar oo xildhibaano ah, sideey rabaan inay howl shaqoodkooda ku sii wataan maadaama kox kasta oo diidan feker aay isbaaro dhigan doonto, Somaliya ilaah ayaa u maqan.

Hadaba hadii golihii sharci dajintu sidaa noqotay xageen u cararnaa, waxaan filayaa in darbigu soo xirmay oo macnuhu yahay dib haloogu noqdo fowdadii iyo dowlad laáantii.

Xoolaha astaanta lagu garto waa sumad,  qarankana astaanta lagu gartaa waa calanka Buluuga ah oo dhaxda ku leh xiddigta shanta geesoodka oo macno weeyn ugu fadhida Somalida heesta calankuna waa Soomaaliyeey toosooo, toosoo isku tiirsadayeey.

Bal ka waran hadii calankii buluuga ee quruxda badnaa aay maanta ka qiimo badan yihiin calamada maamulo qabiileedka,  iyadoona sida loogu dabaaldego calamada maamulada aanan loogu dabaaldegin midka qaranka Somaliyeed, Heestii calankana xildhibaanadii aay u isticmaalaan fowdo.

(Qeylaa yeertay waxayna ka yeertay meeshii loo carari lahaa) Suàashu waxa eey tahay yaa looga dacwoonaa? maxaase lagu xakumaa mase micnaheeda waxa ay tahay in qof walba waxa uu rabo uu sameeyo foowdo iyo aniga haleey dhageeysto waan soo aragnay waxa laga macaashayne qofwalba waa ka dharagsan yahay.

Nin buka boqol u talisay, Somaliya waa dal buka cidkastaana gacanta ayay kula jirtaa waxaana iska cad in dad badan oo Somali iyo ajnabi isugu jira aay dhibeyso Somaliya oo cagaheeda isku taagto waxayna ka faaídeysan doonaan qilaafka, waajibka saaran xildhibaanada ayaa ah inay dhex dhexaad ka noqdaan qilaafka madaxda dalka fowdadana iska dhaafaan, waxkastana ku xaliyaan si waafaqsan cod dheeri.

Ilaahay waxaan ka rajeynayaa in ummadan muwaadiniin ka dhigo.
Jamaal Gacal
kaber02-@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!