Haweeney ganacsato aheyd oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho

by wadani | Wednesday, Sep 13, 2017

Muqdisho : HN :-Rag hubeysan ayaa ayaa xalay xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ku dilay Haweeney lagu magacaabi jiray Dahabo Xusseen oo sidda la sheegay ka ganacsan jirtay Dhuxusha.

Goob joogayaal ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga in kooxdii dilka ka dambeysay ay baxsadeen, waxaana ciidamada ammaanka oo tagay goobta dilka ka dhacay ay sameeyeen baaritaano, balse ma jirto cid loo soo qabtay dilka.

Waa haweeneydii labaad oo todobaadkan gudihiis lagu dilo magaalada Muqdisho, maalin ka hor ayaa kooxo hubeysan waxay Suuqa Bakaaraha ku dileen haweeney Ganacsato aheyd.

Ma ahan wax ku cusub magaalada Muqdisho dilalka loo geysto haweenka iyo dadka birimigeydada ah, waxaana dilkooda uu soo batay wixii ka dambeeyay bur burkii dowladdii dhexe.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!