Haweeney horay dacwad ugu soo oogtay shaqsiyaad ka tirsanaa Al-shabaab oo Kampala lagu toogtay

by admin | Tuesday, Mar 31, 2015

Kampala : HN :–Wararka naga soo gaaraya magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa sheegaya in rag dabley ah oo la sheegay in ay saarnaayeen dhug-dhugley ama mooto toogteen haweeney sidda la sheegay hormuud u aheyd dacwad lagu soo oogay saddex ruux oo tirsanaa Al-shabaab.

Afhayeen u hadlay booliiska Uganda ayaa sheegay in haweeneydan oo lagu magacaabi jiray, Joan Kagezi ay toogteen dabley saarnaa dhug-dhugley ama mooto xilli ay kusii jeeday gurigeeda.

Dacwad-oogtadan oo uu dhaawac kasoo gaaray toogashada ayaa dhimatay intii uu loosii waday isbitaalka ugu wayn dalkaasi. IyadooKamoal kiiska dacwadda ay horumuudka ka ahayd ay la xiriirtay qaraxyadii Uganda ka dhacay 2010-kii, kuwaasoo ay ku dhinteen 76-qof oo ciyaaro daawanayay.

Taliyeyaasha booliiska iyo milateriga dalka Uganda ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay si ay dusha ugala socdaan baaritaanka la xiriira ciddii ka dambeysay dilka haweeneydan.

Kagezi waxay hoggaaminaysay laanta la-dagaalanka argagixisada ee xafiiska dacwad-oogaha Uganda. Iyadoo shacabka waddanka Uganda ayaa hadda is-weydiinayaan inay lahayd ilaalo ku filan iyo in kale.

Dilka haweeneydan ayaa wuxuu yimid xilli safaaradaha dalaka Mareykanka iyo Britain ee Kampala ay soo saareen digniino la xiriira weerraro argagixiso oo ka dhan ah danaha reer galbeedka ee Uganda.

“Kooxo dhug-dhugleey wata ayaa toogtay haweeneyda dacwad-oogaha ah,”ayuu yiri afhayeenka booliiska Uganda, Patrick Onyango oo la hadlay warbaahinta dilka haweeneyda kaddib.

Waddanka Uganda ayaa horay dhowr jeer ula kulmay digniino ka dhan ah ammaanka, maadaama uu horumuud u yahay howlgalka AMISOM ee Somalia, iyadoo aanay weli jirin cid sheegatay mas’uuliyadda dilka haweeneydan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!