Haweeney rayid ah oo lagu dillay xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa

by admin | Sunday, Feb 1, 2015

Muqdisho : HN :– Kooxo hubeeysan ayaa xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa ku toogtay maanta haweeney rayid ah oo ka mid ahayd haweenka sida aadka ah looga yaqaan xaafaddaas.

Qof ku sugnaa goobta uu dilka ka dhacay ayaa u sheegay in dilka ay geysteen saddex wiil oo dhallinyaro ah, kuna hubeysnaa bastooladoBastoolad-12, kuwaas oo dilka kaddib goobta ka baxsaday.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in haweeneyda ay la shaqeynaysay ciidan ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo degmadaas ku sugan, iyadoo dadka deegaanka qaarkood ay sheegeen inay u adeegi jiratay ciidammada.

Illaa hadda ma jirto cid xaqiijin karta wararka sheegaya in haweeneydan la dilay ay la shaqeyn jirtay ciidamada dowladda Soomaaliya, iyadoo aan weli la sheegin magaceeda.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!