Haweeneydii Kenyaanka aheyd oo dib ula midoowday qoyskeeda

by wadani | Thursday, Nov 3, 2016

Nairobi : HN :-Haweeneeydii Kenyaanka aheyd Loise Njoki ayaa mar kale dib ula midoowday Qoyskeedii, kadib markii muddo laba sano ah ay koox burcad badeed ahi ku haysteen Bartamaha Soomaaliya.

Mrs: Loise Njoki ayaa farxad la ooyday kadib markii ay ka degtay Garoonka Diyaaradaha ee Wilsan ee Magaalada Nairobe ku aragtay xubno ka tirsan Qoyskeeda oo ay ka mid aheyd Gabadheeda, iyadoo sheegtay in ay maanta aad u faraxsan tahay, maadamaama ay mar kale qoyskeeda la noolaaneeyso.

Ugu danbeyntii, haweeneydan ayaa waxaa todobaadkii hore soo furtay ciidammo ka tirsan dowlad gobolleedka Galmudug oo weerar ku qaaday deegaanka Camaara oo haweeneydan lagu hayay muddo labo sanno ah.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!