Haweeneydii sidda weyn loo raadinayay Samantha Lewthwaite oo la sheegay in la dillay

by admin | Thursday, Nov 13, 2014

Ukraine : HN :– Haweeneydii British-ka aheyd ee aadka loo doon doonayay Samantha Lewthwaite oo loo yaqaanay (Carmaladii Cadeyd) ayaa la sheegay in lagu dilay dalka Ukraine, sida ay sheegtay Wakaalad ka soo baxday Magaalada Moscow ee dalka Ruushka.

Samantha Lewthwaite oo 30-jir ah ayaa waxaa toogtay shiishyahan u dhashay Ruushka labo todobaad ka hor, iyadoo warbaahinta caalamka ay aad u hadal hayaan arrintan.

Ms Samantha ayaa la sheegay in bil ka hor ay ku biirtay Xoogaga ISIS ee ku sugan Suuriya, iyadoo ka bar bar dagaalameysay.

Haweeneydan ayaa dhowr jeer la sheegay inay sugan tahay Soomaaliya, iyadoo ka tirsaneyd Al-Shabaab, balse sheegashadaas oo dhan ma jirin cadeymo rasmi ah oo muujinayay ka mid ahaanshaheeda Al-Shabaab iyo joogitaankeeda Soomaaliya.

Balse Sirdoonada Britain iyo Kenya ayaa horay u shaaciyay in haweeneydan ay kaalin ku laheyd weerarkii lagi qaadau xarunta Ganacsigacamarladii-cadeyd ee Westgate sanadkii hore, waxaa ay horay ugu safartay dalal afrikaan ah sida Koofur Afrika oo ay ka qaadatay baasaboor.

Lewthwaite ayaa waxaa guursaday Germain Lindsay oo ahaa ninkii isku qarxiyay boosteejada tareenada magaalada London ee sanadkii 2005-tii, waxaana la sheegay inay Britain ka tagtay sanadkii 2009-kii.

“Mid ka mid ah dadka aadka loogu doon doonista badan tahay aduunka ee Argagixisada Samantha Lewthwaite oo ka bar bar dagaalameysay Cutubyo ka tirsan ciidamada Ukraine ayaa waxaa dilay shiishyahan madax banaan”sidaas waxaa daabacday wakaalada wararka ee Ragnum ee dalka Ruushka laga leeyahay

Dowladda Ukriane ayaa sheegtay in shiishyahankan toogtay Haweeneydan ay madaxiisa dhigtay hal mil oo dollar cidii soo qabata.

 Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!