Haweenka Soomaaliyeed oo markii ugu horeysay ku biiraya hay’addaha garsoorka

by admin | Monday, Mar 9, 2015

Muqdisho : HN :–Dr Axmed Cali Daahir oo ah xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sheegay in Haweenka Soomaaliyeed ay markii u horeysay door ku yeelan doonaan Garsoorka dalka, isagoo xusay in dhowaan la arki doono Haween Xeer Ilaaliyeyaal iyo Garsoorayaal ah.

Hadalka ayuu ka sheegay mar uu xalay ka qeyb-gallayay munaasabad lagu maamuusayay maalinta oo lagu qabtay Muqdisho, isaga oo intaa ku darray in wixii hadda ka danbeeya la arki doono haween qeyb ka ah hay’addaha garsoorka dalka.

“Waxaa idin balan qaadayaa anigoo la kaasnahaya inta kale oo ay talada naga dhaxeyso in haweenka Soomaaliyeed ay door ku yeelanxee doonaan garsoorka dalka oo ay ka qeyb geli doonaan”ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.Waxaa uu sheegay in bishan dhexdeeda uu Xafiiska Xeer ilaalinta qaadan doono 15-xubnood, kuwaasoo uu xusay in 7 ka mid ah ay dumar yihiin, isagoo intaa ku daray in Gobolada ay u diri doonaan Haweenka, si ay qeyb uga noqdaan Maxkamadaha Garsoorka.

“Waxaa dhowaan arki doontaan gabdho Soomaaliyeed oo xeer Ilaaliyaal ah oo u taagan inay xuquuqda haweenka difaacaan, gobolada ayay ka shaqeynayaan, waxaa sameynay Waax gaar u ah arrimaha haweenka iyo tacadiyada loo geysto, cida sharciga horgeyneysa waa dumar”ayuu mar kale yiri Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Dumarka Soomaaliyeed ayaa sheega in lagu dulmiyay Xilalka ay ka helaan Dowladda Soomaaliya, iyagoo Sanadihii dambe si weyn uga dhax muuqdeen Hay’addaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!