Hay’adaha gargaarka oo ka digay fatahaado ka dhasha roobabka El Nino

by admin | Friday, Oct 9, 2015

Nairobi HN ; – Hay’adaha gargaarka ee ka shaqeeya Soomaaliya ayaa ka digay roobabka El Nino oo la filayo inay ku dhuftaan Soomaaliya inta lagu guda jiro billaha Oktoobar  illaa December  ee xilli roobaadka Deyrta,

War saxaafadeed ay soo saaareen illaa 30 hay’adood oo ah kuwa aan dowliga ahayn ee Soomaaliya ayaa ka digay khasaaro ka dhasha fatahaada taasoo ay sheegeen in  ay sii xumeyn karto xaaladda dadka ay dhibaatadu heysato.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dad tiradooda lagu qiyaasay 500 ilaa iyo 900 oo kun oo ka mid ah dadka ku nool hareeraha webiyada Shabeele iyo Jubba  in ay waxyeeladu saameyn karto.

Qaramada Midoobay ayaa hore u sheegtay in roobabka El Nino uu sanadkan uu noqon doono kii ugu xumaa ee sanadahan dambe saameyn ku yeesha Soomaaliya.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!