Hay’adda culimada oo ka digtay tartanka kubada Koleyga gabdhaha ee ka furmaya

by wadani | Thursday, Dec 22, 2016

Muqdisho : HN :-Hey’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa ka digay Tartanka Ciyaaraha Kubadda Kolayga Gabdhaha ee maamul goboleedyada oo maanta ka furmaya magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland.

Tartankan oo ay ka qeyb galayaan Gabdhaha shanta xarumaha maamul goboleed iyo Gobolka Banaadir ayaa ah tartankii u horeeyay ee gabdhaha kubadda koleyga gobolada loo qabto.

Guddoomiyaha Hey’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa ka digay Tartankan loo qabanayo gabdhaha, isagoo xusay inuu ka hor-imaanayaan dhaqanka iyo Diinta Islaamka.

“Waxaa ka digeynaa ciyaaraha gabdhaha ee gabdhaha loo qabanayo, ma ahan wax ay diinta islaamka ogoshahay, dhaqan ahaan iyo diin ahaan saameyn ayay keeni kartaa, in Gabdho dhar isboortis qaba oo bood boodaya, in isha lala raaco ama rag ajaaniib ay daawadaan ma ahan wax diinta qabto, waa wax xishoodka ka hor imaanaya”ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Sheekh Bashiir ayaa tartankan ku tilmaamay inuu yahay macaasi, isla markaana ay dhibaato keeni karto, isagoo intaa ku daray in ka culumo ahaan ay ka digeynaa.

“Arrintaas waxay keeni kartaa halaag iyo dhibaato, waa macaasi la isku imaanayo, halaag iyo dhibaato bey keeni kartaa”ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Ugu danbeyntii, ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay xiriirka kubada Koleyga Soomaaliyeed oo looga jawaabayo eedeynta culimada.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!