Hay’adda HRW oo ka hadashay xaquuqul insaanka Soomaaliya

by admin | Thursday, Jan 29, 2015

Muqdisho : HN :– Hay’adda u doodo Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch (HRW) ayaa maanta soo saartay Warbixinteedii Caalamka ee sanadka 2015-ka, taasoo ay ku soo bandhigtay tacaddiyada iyo waliba xaalada bini’aadanimo ee ka jirto qaar ka mid ah wadamada ku yaalo qaarada africa sida; Somalia, Kenya, Ethiopia, Uganda, South Sudan iyo waliba Nigeria.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah ugu qabteen magaalada Nairobi ee xarunta Kenya, Leslie Lefkow oo ah Agaasime ku-xigeenka waaxda Afrika ee HWR. Babatunde Olugboji oo isna ah Agaasime ku xigeenka Mashaariicda Hay’adaas iyo Agnes Odhiambo oo dhanka Xaquuqda haweenka u qaabilsan HRW, ayaa waxey ku soo bandhigeen warbixintoodii sanad’laha aheyd oo ku saabsan tacaddiyada sanadkii la soo dhaafay ee 2014-kii ka dhacay wadamo ku yaallo qaarada africa, iyadoona goobta ay ku sugneyd Laetitia Bader oo Human Rights Watch u qaabilsan wadanka Somalia.

Somalia oo ka mid ah dalalkaas ayaa hay’addu waxay ku sheegtay in dowladda Soomaaliya ay horumar xaddidan ka samaysay sanadkii tagay, sidii bulshada rayidka ah looga ilaalin lahaa tacaddiyada ay gaystaan xooggaga hubeysan ee Soomaaliya ku sugan.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay sanadkii tagay lumisay, fursado ay ku sameyn kartay isbadelo lagu yareyn karay2015129635581288643767921P1293296 tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha, taasna ay badisay dhibaatooyinka ay la kulmeen dadka rayidka ah oo ay ku sheegeen iney yihiin kuwa aynan mudnaanta siinin Garsoorka Somalia.

Sidoo kale hay’addu waxey sheegtay, in dadka ku barakacay gudaha Soomaaliya ay yihiin kuwa aadka ugu nugul tacaddiyada dhanka galmada iyo in si khasab ah looga raro meelaha ay dagan yihiin.

Al-shabaab ayay HRW ku eedeysay inay weeraro la beegsadeen dadka rayidka ah, waxay sidoo kale mar kale ku celisay hay’addu in ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay tacaddiyo dhanka galmada ah u geysteen gabdho yar yar iyo haween ku nool xeryaha dadka barakacay ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, wadamada Kenya iyo Ethiopia, ayey Human Rights Watch, ku eedeysay sanadkii na dhaafay iney dhibaatooyinka u geysteen shacabka ku dhaqan dalalkooda.

Ciidamada booliiska Kenya qeybta la-dagaalanka argagaxisada ee ATPU Anti- Terrorism Police Unit loo yaqaan ayay hay’addu sheegtay iney masuul ka ahaayeen dilal qorsheynaa oo ka dhacay Kenya, isla markaasna ay si xun u jir dileen qaar ka mid ah dadkii ay ka shakiyeen, xili Dowlada Kenya ay ku dhaleeceysay iney dhibaatooyin xoogan u geysteen dadka shacabka ah oo ay ku jiraan qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankeeda.

Itoobiya ayay sidoo kale tilmaamtay HRW iney ka mid tahay wadamada ugu dhibka badan adduunka ee ay ka dhacaan falalka lidka ku ah xaquuqda Aadanaha. Waxeyna sheegeen masuuliyiintaas ka tirsan Hay’ada Xaquuqul Insaanka Human Rights Watch, in tacaddiyo joogto ah oo loo geysto dadka shacabka ah; Itoobiyana aynan ka jirin warbaahin xor ah, sida lagu sheegay warbixinta hay’addaas.

Si kastaba ha ahaatee dalalka Uganda, Koonfurta Sudan iyo Nigeria ayay iyagana soo bandhigeen dhibaatooyinka loo geysto shacabka iyo waliba tacaddiyada aanan waxba laga qabinin ee ay galaan dowladaha ka jiro wadamadaas.

Ugu dambeyntii sida ku xusan bogga 656 ee Warbixinta Caalamka ee sanadkaan oo ah daabacaaddii 25-aad ee Hay’adda Human Rights Watch, ayaa waxaa dib u eegis loogu sameyay ficilada lidiga ku ah xuquuqda aadanaha ee ka dhacay in ka badan 90 dal oo ku yaallo qaaradaha kala duwan ee adduunka.

Qoraalka horu-dhac ah oo uu maanta sidoo kale soo saaray Agaasimaha Guud ee HRW- Kenneth Roth, ayaa wuxuu ka codsaday dowladaha caalamka iney aqoonsadaan xuquuqda aadanuhu iney horseedo helitaanka nidaam wanaagsan oo la isku hago xilliyada ay dhibaatooyinka jiraan, iyo in ku tacaddinta xuquuqda aadanaha ay keeni karto amni darro.

Hay’adda Xaquuqul Insaanka Human Rights Watch, ayaa sanad kasto marka la gaaro bisha Janaayo, waxey soo saartaa warbixinta sanadka oo ay ku soo koobaan dhibaatooyinka iyo tacaddiyada ka dhanka ah xaquuqda aadanaha ee ka dhacay adduunka, iyadoona sanadkaan ay ku sheegeen warbixintooda in dhibaatooyinka dhacay badankoodu ay ahaayeen kuwa wali aanan waxba laga qabanin.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!