Hay’adda nabad-sugida oo amartay in la baaro gadiidka soo galla Muqdisho

by admin | Tuesday, Nov 3, 2015

Muqdisho : HN :–Jen C/raxmaan Tuur-yare taliyaha ciidammada nabad-sugida ayaa amar ku bixiyay in la baaro gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee soo galaya magaalada Muqdisho iyo kuwa ka baxayaba.

Taliyaha ciidammada oo booqday kontaroolka wadada laamiga ah ee degmada Afgooye in baaritaan adag lagu sameeyo gaadiidka xitaa gaari dameerada isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay gaadiidka sida khudaarta iyo caanaha soo gala Muqdisho.

Taliyaha Nabad-sugida ayaa sidooo kale amray in la weydiiyo aqoonsi qof walba oo da’adiisu ka yar tahay Muqdisho iyo weliba damaanad.

Tuur-yare_Nabad_sugidda_QarankaAmarkan ayaa waxaa dhibaato ku noqon doonaa ardayda wax ka barata deegaanada ka baxsan Muqdisho iyo weliba ardayda kale ee waalidkood ay ku nool yihiin deegaanada u dhow dhow magaalada Muqdisho.

Labo maalmood ka hor ayaa weerar ismiidaamin iyo weerar toos ah lagu qaaday hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho, iyadoo weerarkaasna ay ku dhinteen dad gaaraya 15 ruux oo uu kamid ahaa diblumaasi u dhashay dalka Kenya.

Wasaaradda amniga ayaa hore u soo saartay amaro adadag oo lagu sugayo ammaanka, hase yeeshee waxaa magaalada Muqdisho ku soo noq noqday weerarada lagu qaado hotelada ay mas’uuliiinta dowladda degen yihiin.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!