Hay’adda UNHCR oo dib soo celiysay qeybtii ugu horeysay qaxooti Soomaaliyeed

by admin | Tuesday, Dec 9, 2014

Kenya : HN :– Hay’adda Qaxootiga QM UNHCR ayaa markii ugu horeysay dib ugu soo celisay deegaanno ka tirsan gobollada Koonfurta Soomaaliya qaxooti Soomaaliyeed oo mudo dheer ku noolaa xeryaha Dhadhaab Kenya.

Hay’adda ayaa sheegtay in barnaamijkan dib u celinta ee qaxootiga Soomaalida ee ku nool Kenya uu yahay mid si mutadawacnimo ah.

Qaxootigan oo badankooda ku noola Kenya 24kii sanno ee la soo dhaafaUNHCRy, colaadaha ka jira Soomaaliya awgood ayaa dib ugu noqonaya qeybo ka mid ah gobollada koonfureed ee Soomaaliya.

Ilaa boqol ruux oo gaarayay qaxootigan ayaa shalay gaaray magaalada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose, iyadoo munaasabada lagu sagootinayay qaxootigaas oo ka dhacday xerada Dhadhaab ay ka qeyb galeen Mas’uuliyiin ka socda dowladda Federaalka, Kenya iyo Maamulka Jubba.

Dowladda Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR ayaa sanadkii hore kala saxiixday heshiis dhigaya in qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha qaxootiga Kenya dib loogu celiyo Soomaaliya, iyadoo ay tahay mid aan qasab aheyn cidii dib loogu celinayo dalkooda.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!