Hay’addaha ammniga oo ka digay weeraro Al-shabaab ka geystaan Muqdisho

by admin | Saturday, Apr 25, 2015

Muqdisho : HN :–Wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay xog ku aadan weerarro ka imaan kara al-Shabaab oo si gaadmo ah weerarro uga fuliya caasimada dalka.

Meelaha sida weyn looga cabsi qabo inay weerarran Al-Shabaab waxaa la sheegay inay ka mid yihiin goobaha cibaadada ee ay bulshada isagu tagaan oo ay masaajidada ka mid yihiin,dugsiyada waxbarashada iyo meelaha kale ee muhiimka ah sida hoteelada.

Max’ed Yuusuf Cismaan oo ah afhayeenka wasaaradda amniga dalka ayaa maanta wariyaasha kula hadlay Muqdisho isagoo farrin u diraya laamaha ammaanka iyo shacabka Soomaalida oo ay ugu horreeyan kuwa ku nool magaalada Muqdisho.

Waxuu sheegay inay al-Shabaab diyaariyeen sida ay xog ku hayaan weerarro ay ku qaadaan goobaha ay bulshada ku kulanto,isagoo umaxkayu sheegay bulshada inay weerarrada ka feejignaadan.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqeynaa in ay ka feejignaadan islamarkaana ay ka digtoonaadaan weeraradaas ay al-Shabaab maleegayaan “ayuu yiri afhayeenka wasaaradda amniga Soomaaliya.

Max’ed Yuusuf waxuu tilmaamay inay heegan ku jiraan dhammaanba hay’adaha dowladda u qaabilsan ammaanka iyo sirdoonka si ay uga hortagaan khatarta al-Shabaab.

Ugu danbeyntii afhayeenka ayaa ku soo aadaya xilli al-Shabaab ay siyaadiyeen weerarrada is-miidaaminta ah ee ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho iyo qaybo ka mid ah dhulka nabdoon ee dalka.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!