Hay’addo sheegtay in xaalad nolaleed oo aad u liidata ka jirto Soomaaliland

by admin | Friday, Sep 18, 2015

Nairobi : HN :–Ilaa 240,000 qof oo ku nool Somaliland ayaa waxaa saameysay abaar ka jirta qeybo ka tirsan Somaliland, taas oo sababtay cunto yari, biyo yari iyo in qaar ka tirsan xoolaha la dhaqdo ay harraad iyo gaajo u dhintaan.

Ilaa 19 hay’adood oo ay ku jiraan Adeso, Oxfam iyo IRC ayaa si wadajir ah u soo saaray war qoraal ah oo ugu baaqayaan bulshada caalamka in wax laga qabto abaarta ka jirta Somaliland.

Meelaha ay sida ba’an u saameysay abaarta waxaa ka mid ah gobolka Awdal, Maroodijeex iyo Gebiley, oo ah gobollada leh wax-soo-Somaliland-Flagsaarka cuntada. Gobollada kale ee ay abaartu saameysay waxa ka mid ah Selel iyo Saaxil.

Abaarta ayaa loo aaneynayaa roob la’aan soo jiitameysay muddo hal sano ka badan, taas oo sababtay inay yaraan wax soo saarka beeraha, biyo yari ba’an iyo dhimasho xoolaha la dhaqdo, oo ah isha ugu wayn ee dadku ku tiirsan yihiin.

Hay’adahan iyo maamulka Somaliland ayaa ugu baaqay dowladaha caalamka iyo hay’adaha samafalka inay ku taageeraan cunto, biyo iyo adeegyo caafimaad si loogu gurmado dadka ay abaartu saameysay.

Mamulka Somaliland ayaa bixiyay lacag dhan 150,000 oo doollar si wax logoa qabto dhibaatada abaarta, balse hay’adaha ayaa sheegay in lacagtaasi ay dabooli karto baahida 3,200 oo qoys oo kaliya oo ka mid ah 40,000 oo qoys oo u baahan gargaar deg-deg ah.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!