Heerrarka Caqliyada – W/Q. Mubarak Hadi

by Yahye | Monday, Apr 1, 2013

Kolka la abla-ablaynayo heerrarka caqliyada aadanaha iyo qaab fekerkooda waxaa la yiraahdaa waxay u kala qaybsamaan saddex nooc: caqliyo waawayn, caqliyo mee dhexaad ah iyo caqliyo yar yar. Caqliyada waawayni waxay ka wada sheekaystaan, kana doodaan mabaadii iyo afkaar, caqliyada meel dhexaadka ahna waxay ku mashquulaan ka hadalka dhacdooyinka iyo waxyaalaha aan wax ku oolka ahayn, caqliyada yar yarina waxay wakhtigooda inta badan ku lumiyaan faaqidaada  iyo falanqaynta shakhsiyaadka. Akhriste,  haddii aan wada socono aan ku dul geeyo caqliyadaa saddexda ah dunida ay ku kala noolyihiin.

Aan ku horreeyo dadka caqliyada yar yar leh, dadkani waxay ku noolyihiin duni aad u hoosaysa. Waa dad aan ka fekerin iney wax hal abuuraan, wax soo saaraan, wax bixiyaan iyo ineey raad dunida kaga tagaan geeridooda ka gadaal. Noloshoodoo dhami waxay ku egtahay uun ineey ka fekeraan dadk kala gurkooda iyo ineey ceebaha dadka iyo khaladadaadkooda raac raacaan. Dadkaa iyaga ah waxaad ka helaysaa goobo badan oo kugu xeeran. Tusaale, haddaad masaajidda taktid (Iskaba daa meel kale oo lagu kulmee) waxaad ugu tagaysaa dad dhalinyaro u badan oo koox koox u fadhiya oo ka sheekaysanaya culimo isu jawaabtay, kuwo la fogeeyay, qaar kaloo la gaalaysiiyay. Haddaad usii fiirsatid waxaad arkaysaa dad isku wada maqan, had iyo jeerna ku howlan “Hebel halkaasuu maray” iyo “heblaayo halkaaseey martay”, “Hebel sidaasuu yiri” iyo heblaayo sidaasay tiri”  Akhriste, makuu sheegay kuwaan aniga dhagahayga ku maqlay? Waxaa ka mid ahaa “Wadaad hebel baryahan gadhkii buu gaabsaday”. “Wadaad hebel facebook buu ka dhammaan la’yahay”. “Hebel  waan ka shakiyay, inuu saddexda xaraf (sirdoonka maraykanka) u shaqeeyaan u maleenayaa”, Hadda garo oo intaasiba aagga masaajidka ayaan ka maqlay, meelaha kalana iskaba daa. Waxaa I danqaysa innaan iraahdo dadka noocaa u fekera meeshay doonaanba ha joogaane ineey ka mid yihiin dadka ku nool dunida hoosaysa. Dunidaa cidda ku noolina maaha kuwo laga sugayo ineey hammi ummaddeed qaadaan, iskaba daaye, laga sugi maayo ineey xitaa naftooda kob cosob u hoggaamiyaan.

Qaybta labaad waa dadka caqliga meel dhexaadka ah leh. Dadkani xoogaa kuwii hore (dadka caqliga yar yar leh) way dhaamaan, laakiin qudhoodu waxay ku noolyihiin duni aan kuwaa tooda ka fogayn. Waxaa iyagana noloshooda inta badan qaata hadal haynta dhacdooyinka aan micnaha badan ku fadhiyin. Tusaale, haddaad suuqyada tagtid iyo meelaha lagu ganacsado waxaad arkaysaa bulsho dhan oo aad mooddo in la yiri wixii dunida maanta ka dhacay oo dhan soo kooba, markaasay maantoo dhan ku hadaaqayaan “Maxaa la yiri?”, waxaa la yiri”, wuxuu yiri”, ” waxay tiri” iyo “Meel heblaayo waxaasaa ka dhacay”. Nasiib darro, waxaad suuqyada ku arkaysaa da’yartii berito iyo manta ummadda anfici lahaa  oo iyaguna ku mashquulsan Manchester baa Arsenal ka badisay, Chelsea baa hor-yaalka hoggaaminaysa, Barcelonaa kaalinta koowaad gashay iyo wax la mida. Qaar kalaa iyaguna ku mashquulsan dharka sanadkan socda, baabuurta hadda soo baxday, filimmada cusub, iwm. Waxaa dhab ah dadka iyaguna noocaa u fekera, wakhtigooda qaaliga ahna sidaa ku lumiya innaanay nolosha wax kusoo kordhin Karin, sababkii loo abuurayna aaney weli garan ama moog yihiin.

Qaybta Saddexaad waa dadka caqliga sare leh. Dadkani waxay ku noolyihiin duni la yiraahdo dunida afkaarta, dunidaa waxaad ka helaysaa caqiido, waxaad ka helaysaa akhlaaq iyo qiyam, waxaad ka helaysaa arragtiyo, waxaad ka helaysaa dood cilmiyeed, waxaad ka helaysaa  falsafad, waxaad ka helaysaa cilmiga daqaalaha, midka tiknoolajiyadda, midka siyaasadda, midka taariikhda iyo xadaaraha ummadaha,  iwm. Dadka dunidaa ku nooli waxay ka wada sheekaystaan, isna dhaafsadaan fikrado iyo afkaar sar sare.  Waxay la noolyihiin arragtiyo waaween. Waa dad garanaya  halkay ka yimaadeen, waxay u noolyihiin iyo halkay ku aroorayaan intaba.Waxay xambaarsanyihiin hammi qofeed, mid qoys iyo mid qarameedba. Waxay la nooyihiin oraahdii Mustafa Araafici (AUN) ee ahayd  “Haddaadan dunida wax ku soo kordhinayn adigaa dusheeda siyaado ku ah” Wakhtigoodu kuma boxo “Maxaa la yiri” iyo “Waxaasaa la yiri”, kuma lumiyaan ka sheekaysiga dhacdooyinka aan micnaha badan ku fadhin. Waa dad waxaasoo dhamiba la yar yihiin oo raadinaya wax intaa ka wayn oo ka macno badan. Waxaan la yaabaa dadka ku nool waddamada horumaray sida Marekanka oo aan hadda ku noolahay, waxaan in badan eeg eegay  oo aan raadiyay dad waddada tag taagan oo ka sheekaysanaysa wax la yiri iyo wax dhacay, markaasaan arki waayay qof naftiisa ku mashquulsan mooyee qof  kale. Waxaan in badan ka fekeray waxa ay horumarka intaa le’eeg ku gaareen, waxaan ogaaday ineey ku badanyihiin qaybta saddexaad ee caqliyada sar sare leh, ee la nool fikradaha wax ku oolka ah.

 

Guntii iyo gunnaadkii, dhalinyaro, ummaddeenu manta waxay dhex gudaysaa taariikh aad u mugdiyo badan. Waxaa maalin walba ina gudbaya oo rogmaya bogag taariikheed aad u mad madow, bogag taariikheed aad mooddo in dhiig iyo ilmo anqaas ka samaysan lagu qoray. Dhalinyaro, taariikhdaa mugdiyada badan ma baddeli karaan dadka caqliyada yar yar leh ee ku mashquulsan ka sheekaynta dadka, mana baddeli karaan kuwa caqliyada meel-dhexaadka ah leh ee ka sheekaysta dhacdooyinka aan micnaha lahayn, waxaa wax ka baddeli kara dad la nool feker sare, leh han sare iyo hirraal fog, wacyigooduna aad u sarreeyo.

________________________ والله يقول الحق وهو يهدى السبيل ________________________

MUBARAKMubarak Mohamud Saleban (Muabarak Hadi)
Email: Mubarakhadi@gmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!