Heshiiskii Habar dugaag Q.2-aad. WQ:Cabdiraxiin Hilowle Galayr

by admin | Saturday, Jun 2, 2012

Heshiiskan oo aan qaybtiisii hore ku soo aragnay, in la gaadhay waqtigii doorashada hogaanka Habardugaag, oo ay isa soo sharraxeen Micileey waa: “Libaax, Waraabe, Shabeel, Dawaco, Dhidir iyo Eeer, iyo  qaar badanoo kale”  ayeysan jirin cid foodku  [vote] raacay oo goobtii lagu doortay, habar dugaagna waxay ku kala dareertay  madal danbe iyo shir kale in laysugu yimaado.

Waa xilli duhur, cadceedduna dhulka isku kala badhay, oo gadiid ah suudiga qorraxda ayaa  Wiirawiire iyo Dhaan Dabagaalle samaynaya,   hawadu ma badna, oo waxaad mooddaa dhirtu inay taagan tahay, sidaas oo ay tahay, waa abaar gabaahiira, oo nafluhu dad, duunyo iyo dugaagba Kulaylkii kaliisha iyo ommos  ba’ani hayo, waxaa la wada naawilayaa roobka Gu’ga,  dadku dhaqan ahaan ma shiro waqtiyadan oo kale, oo waxay ku maahmaahaan; “Hadda maalin geed lama joogo” oo waa waranweer xaajaduye, waxaa inoo madala ah; “markay  dhoobo is qabato ayaa arrin is qabtaa” naqa  gu’ga iyo markii la doogsado.

Balse, xaalka Habardugaag waa ka duwan yahay,  waxay shiraan xilli abaareedka si ay nabad ugu daaqaan, oo u kala danaystaan markuu roobku da’o, keyn cagaar ku yara hadhay oo damallo waaweyn leh jeex qaboow oo biyhuna dhawaan ka gudheen ah, oo caws iyo jilib leh oo Qudhac ,lebbi, Yucub, Raydab iyo Meygaag badan leh  oo geedo  waaweyn ku caan ah, ayaa laysugu yimid iyada oo la kala socdo, oo kooxo kooxo loo qaybsan yahay.

Markii meeshii laysku arkay, goobtiina gofaadhis iyo golaaftan qolo weliba waxay haysay ay soo bandhigtay, ayaa qaybihii hadhay Habardugaag shir gooni ah wacdeen, waxaa meesha ku kulmaya “Baalalleey” oo laba qaybood ah, Ciddi ku nool iyo Cisi ku nool, Ugaadhii kale oo Maroodi, Geri, Biciid, Cawl, Deero, garanuug, IQB waxaan iyaguna ka taganayn oo meesha jooga bahallo aan waxna cunin  kuna qayb ah Micilayda, waa Qarandi (Ufo) waa Bahal higlo (Dawaca Golli) waa Xoor & Dabacaddeeye, waa  Dabagaalle (Uunrays) waa  Soongur (Kabsas) Shurunshuur (Kadabshir) qaybahan ayaa waxaa weheliya Xamaaratadii oo iyaduna u kala baxday  Gurguurato, waa Masa cagaleey (Abeeso lugaaley ) Gungume, Mulac iyo malow  Abur iyo Masaskii oo aad cadadkooda la soo koobi karayn.

Shir guddoomiye waa Maroodi,  waxuu ku faanay awooddiisa, waxuuna aad iyo aad ugu dheeraaday in xuquuqdii ay  qaateen bahallahihii Micida lahaa! Waa qoladii hore, oo aysan innaba waxba u ogolayn,  iyagana looga baahan yahay inay xaqooda dhacsadaan, oo aysan  marti ka noqon masiirkooda nololeed iyo cidda maamulkooda qabanaysa.

Si isku duubniya ayay isugu raaceen waxayna isku waafaqeen in Maroodina laftiisa ololaha mooyee cid kale la doorto, oo metesha iyaga oo xaqooda uga soo dhicisa Micilay.

Halkaa markay maraysay, ayaa waxaa la gaadhay maalintii labaad ee shirweynaha guud, ee   loo dhan yahay, oo la iclaamiyey,  waxaa goobtii soo galay intii baalal ku duusha, beerka ku  gurguurata, inta boodda, inta beer dhigaalaysa iyo afar qooblay oo dhan.

Libaax ayaa istaagay, oo yidhi: madasha waa loo dhanyahay  shinbiri innagama maqana,   anigu waan ku farax sanahay inaan hoggaanka maanta la dooranayaa noqon doono mid loo dhanyahay, oo aan hadhoow qolona odhan doonin codkayaga waa la afduubay, ee ha laga dhawaajiyo hannaanka loo guda geliyo doorashada u malayn maayo in musharraxyo kale  hadheen.

Dhurwaa waa dabeecaddiisa  mana jecla wax laysku raaco ama mawqif umaddu ku midoowdee,  dhawaq dheer ayuu isla taagay iyada oo aan doorashoba la gelin;  anigu kuma jiro, doorashadanna  xaq maaha, caddaalad maaha,  Libaax ayaa doonaya inuu na  af duubo af labadii ayuu yeedhay  ( bello  baqe dhawaa oo cabanaa  laysma gaadhin)

Shabeel isagu waxuu gaar u tilmaantay qaybo ka mida Habardugaag, oo nooc walba leh, waxuuna yidhi; ha la kala qaybiyo awoodda Habardugaag, magaca guud ku kala tegi mayno, balse, waxaan ku kala tegaynaa  bah, hayb iyo dabeecad, codna ha loo qaado, Aniga intii igu muuqa sida Haramcaska, Bisadda, Dinnad dibadeeda, Gaduudanaha, jiifaaga, waxaanu nahay bah Shabeel, waxaa na soo raacaya, ayuu ku daray  ; inta geedaha fuusha, oo  Baalalleey oo dhan, iyo Xamaaratada dabeecadda nala wadaagta, ee geedaha fuusha, waxaa na soo raacaya oo aan  xulufo nahay sina aanan u kala maarmin oo aanu  bahwadaag nahay , Xoor, Shurunshuur, Soongur, Dabagaalle,   Jiirka & Wallada  hogaamiye Shabeel koox dhan  ayuu magacoowday, waxuuna yidhi;  sheekadu waa isma cawrido,  dhul, daaqsin iyo duurba waan qaybsanaynaa, Ugaadha waxii  na soo raaca diidi mayno ayuu yidhi, laakiin wax cod iyo awood ah naguma yeelan doonaan, way iskala kaaya noolaanayaan.

Waxaa soo booday Dawaco anigu  dhinacna Dhurwaa baan ku raacsanahay, oo Libaax xaq uma laha hoggaanka Habardugaag keligiis, dhinacna Libaax baan ku raacsanahay, oo maanta  shirka waa loo dhan yahay, balse, waa laga fiicnaa, oo dad aan hore shirarka uga qaybgeli jirin ayaa lagu casuumay, sidaa awgeed waa dhib dhinacna  Shabeel ayaa ku raacanahay  meeshii loo guuraba geeddiga waan la socdaa.

Dabagaalle ayaa hadalkii la booday, oo yidhi; wax badan ayaan idin dhagaysanay, wax badan ayaan idiin dulqaadanay wax badan ayaad dhibaatadayada ka shaqayseen, maanta maamul cusub oo aan hore loogu baran xumaan iyo oo aan godob naga gelin  ayaan doonaynaa, waa in  madax laga dhigaa  Ugaadhii xaqooda la galay iyo xoolaha Aadmuhu dhaqdo, oo dhibaato weyni soo gaadhay in ay helaan ammaan, nabadgeliyo iyo nolol aan cabsi lahayn.

Waxaan ugu baaqayaa inta Micida  leh, inta Cidida leh, inta Waabayda firdhisa iyo inta   sunta sii daysa jiracu ugu yaryahay. Waa inay aqbalaan kooxo aan weligood dhibaato geysan inaan maanta hoggaanka u doorano.

Dabagaalle waxuu ka dhawaajiyey inaanu maanta cidna masiirka iyo maamulka Habardugaag loo daba fadhiisanayn, sheekada Libaax, Shabeel, Waraabe,  Dawaco, Dhidar, Weer, Yeey iyo Mici ku dhiiglayaashana maaha mid soconaysaa, haddaanu nahay Habardugaag yar iyo wayn  dhibaatadiina waana saamaysay, xaqna waxaan u leenahay inaan  dooranno mid aan dhibaato noo geysan xil danbena idiin udhiiban mayno. Mar keliyaa waxaa is qabsaday jiib iyo jaan, sacab iyo sawaxan, oo waxaa loo wada qushuucay hadalkii Dabagaalle. Maroodi baa gilgilshay Lo‘ kisidiina lugtay dhulka ku faagtay, iyadoo dhaaranaysa, Haaddiina damaashaad farxad leh ayay baalasha uga biririf siiyeen. Masaskii mid weliba dareenkiisa iyo ku muujiyey dabaal deg qurux badan, iyagoo qaarkood dagaal u diyaar garoobayba.

Waxaa  meeshii ka dhacday lama arag iyo lama maqal, nimankii xoogga iyo awoogda is bidayey  mujtamac badan oo aan la dhayalsan karin ayaa ka hoos kacay.

Caaqil Libaax ayaa yidhi; waan  tixgelinaynaa dareenkiina, anigu sida Waraabe oo kale ma ihi,  haddaad mid iska soo xushaan waa la shaqaynaynaa, balse, waa inuu ammaanka Habardugaag,  sharafta, dhaqanka iyo deegaankeeda noqdaa  mid ilaalin kara, oo uusan sababin in aan ka guurno meesha iyo in colaadi Bani aadam ayay nagala dhaxayso ee uu naga ilaalin karaa.

Waa lays wada eegay Libaax  mawqifkiisa lagamana xumaan, lamana jeclaysan, oo weli awooddiisa iyo dagaalkiisa ayuu ku faanayaa, waxaa iska dhex taagay meeshii, Gorgor oo yidhi; maanta ma jirto colaad buuran oo ka dhaxaysa Bani aadam iyo Habar dugaag, waxaa loo sameeyey Habar dugaag  goobo  ay wax weliba ugu diyaarsan sida bani aadamka ayaa loo xanaaneeyaa oo waxay  helayaan wax walba hadday tahay   Dawo iyo dhakhaatiir u gaara,hooy, baad iyo biyo   waxaa kale oo weliba loo sameeyey Habardugaag  guddi xuquuqdooda u dooda, lamana dilo, lamana dagaalo in yaroo xun oo bani aadami way jirtaa, sida inagaba kuwa badan oo waxyeelleeya bani aadamka noogu jiraan gorgor oo  hadalkiisii sii wata ayaa ka dhawaajiyey  maxaa bani aadam ayaa  inoo caddawa  qiilka looga dhiganayaa habar dugaagna loogu gubaabinayaa, miyeydaan arag, nolosha Dab joogta ku nooshahay? Maanta  guryo u gaara ayaa loo dhisay,  waa inaan hagaajinaa  cilaaqaadka nagala dhaxeeya bani aadamka inaguna kan dhexdeena ah hagaajinaa, sidaas ayaana xal ku iman karayaa .

Sidii markii hore ayaa loo wada  guuxay, weliba baalallaydii ayaa  Ubax ku daadisay, oo foodhi iyo mashraxad isugu daray,  halyeeyga cusub, ee ka dhex kacay Habardugaag.

Shirkii weli go’aan rasmiya lama qaadan, oo lagu midaysan yahay,  laakiin, Mici ku dhiiglayaashii  rajadoodu ma wanaagsana, oo waa laga hoos kacay, waxaa kale oo iyagana meesha ka maqnayn, dareen  tawradeed in kacaan cusub is gaashaanbuuraysi ahi jiro, oo Habardugaag dhexdeeda ah, oo ka dhan ah inta kale, ma cadda cidda maamulka Habardugaag loo dhiibi doono iyo halka ay sheeko ku biyo shuban doonto, waxaa la ballamay xilli roobaadka, inta ka horreysana si ku meel gaar ah kooxda Micilaydii xilka u sii hayso, balse aysan ku dhex lahayn awood  buuran, oo la mida tii hore!

La soco qaybaha hadhay ……….

Xasuusin

Haddaadan hore u aqrisan  Qaybtii hore ee qormadan  lingaxan iyo liilkan hoose  ka aqriso  adigoo mahadsan

http://www.qaranimo.com/2011/dec/Heshiiskii_Habardugaag_dec_23_2011.htm


Cabdiraxiin  Hilowle  Galayr

galayr1977@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!