Heybad waxaad ku leedahay dalkaaga hooyo, By: Ustaad Shariif Xasan

by Yahye | Tuesday, Jul 31, 2012

Heybad waxaad ku leedahay dhulkaaga Hooye. ZAMZAM IYO MAXAMED

Mahad oo dhan Allah ayeey u sugnaatay-Naxariis iyo Nabadgelyo(Suubane Rasuulkeena Muxamed CSW korkiisa) guul qiimaheedda leh,maqaamkeeda leh farxadeedda leh Somaalinimo ku saleeysan in Calanka Qaranka Somaliyeed ka dhex muuqdo kulanka ciyaaraha aduunka ugu weyn.

Anigoo ah Ustaad-Xassan Carab muwaadiin dhiigiisa iyo dhuuxiisaba dareenka wadaniyadeed, dariimka qarameed iyo qiiradda dal jaceylba waxaa si aan la soo koobi kareeyn ii farxad geliyeey si weyna kor ugu sii qaaday niyadeeyda Ciyaartooyda Somaaliyeed oo ka qeyb gelaaya tartanka hada
ka socda London(Olambikadda 2012)gaar ahaan dareenka iyo qiiradooda wadaniyadeed oo eey ku soo bandhigeen Universal laga soo daayeey una daadihinaayeey weriye sare-Ridwaan oo
ku lifaaqan qormadan kooban.

Zam-zam iyo Maxamed waa labo halyeey oo somaaliyeed kuna muteeystay xurmadaas helyeeynimo soo nooleeynta sumcadda, Kaalinta iyo karamadda Magaca Somaaliyeed oo muddo dheer astaan u ahaa dhanka xumaanta, ceebta iyo dhiig daadiinta iyo guud ahaanba astaamaha sifooyinka xun leh,balse aduunka dib u soo xasuusiyeey waayihii iyo sawirka dhabta ah(Calanka iyo Qoomiyadda Somaaliyeed leedahay)waxaa xusideeda mudan oo qof walba oo damiir,dareen iyo dadnimo leh dareemay biseylka qof ahaaneed iyo wadaniyadeed ee Halyeeyad Zam-Zam oo tilmaan iyo tusaale wanaagsan u ah dhalinyarada somaaliyeed,kalsoonida ka muuqata Halyeey-Maxamed, barnaamijka maxay kula tahay martida ku ahaayeen labadaas Orodyahan ayaa dadka somaaliyeed si dareen wacan leh,somaalinimo leh,walaalnimo leh ugu cabireen shucuurta iyo niyad samidooda waana arin tusaale fiican ah,ilmada,qiirada iyo shucuurta weyn oo laga arkaayeey Zamzam ayaa ka turjumaayeey qiimaha qaran-nimadda,dowladnimadda,nabadgelyadda,maamul wanaaga iyo jiritaanka qarameed qiimaha iyo mudnaanta u leeyahay,hadalada Zam-Zam iyo Maxamed ayaa ku saleeysnaa xaqiiqada dhabta ah oo ka jirta dalkeena hooyo iyo qiimaha uu leeyahanba iyo sida maanta aduunku uga heysto sawir fool xun,cebtiisa iyo sharf xumadiisa leh waana arrin ayaan daradeeda leh masuuliyadeeda Ummada Somaliyed leedahay, ZamZam iyo Maxamed guushii waad soo hooyseen waadna ku amaanan tihiin,Mahad celin,bogaadiin iyo milgo gobeed gudooma, Gudiga Olambikadda Somaaliyeed Amaan iyo dhiirigelinba mudan, sidoo kale Halyeey-Qaran-Cabdi Bille Cabdi Wadaniyad maqaam sare iyo astaan Somaalinimo.

Waxaan u soo jeedinaayaa Jaaliyadda Somaaliyeed ku dhaqanka UK soo dhoweeynta,maamusida iyo gudashadda kaalintooda sharafeed oo Marti gelinta iyo xurmo maamuska Zamzam,Maxamed Halyeey-Cabdi Bile iyo Gudigga Olambikadda Somaaliyeed,Weriye Sare-Ridwaan amaan.

-Qorre-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-
-sharifhassan50@hotmail.co.uk
-Jull-31-2012.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!

Fariimaha waxaad reebi kartaa adigoo Guest ahaan ah