Hiiraan State Waa Himiladeena, WQ: Abdirashid A Hassan

by Yahye | Thursday, Aug 7, 2014

Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Somaliya Waa Gobol kheyraad badan leh dhinaca biyaha iyo beeraha iyo xoola dhaqashada Gobolku wuxuu can ku ahaa berisamaadkii barashada diinta oo ay xerta diinta  gedi kasta uga soo hayaami jirtay.

Maanta oo la joogo 2014 reer Hiiraan waxay isku diyaarinayaan in gobolkooda ay dib u dhisaan kana dul qaadaan diifta abaarha iyo burburka dagaalda lakin taasi waxaa hortaagan qolyo aan sinaba u dooneynin in soomaliya gaar ahaan koofurta ay deganaasho iyo nabad ku noolaato.

Wixii shiikh shariif ka horeeyay  waxay Hadal heyntu ahayd in gobolada hiiraan iyo Galgaduud iyo Mudug la isku daro oo  maamul la yiraahdo MIDLAND laga hirgaliyo taas oo ahayd fikrad laga soo minguuriyay EMBAGAATI oo looga gol lahaay fidno iyo qalalaaso kale oo lala maaganaay Bulshada Gobolda Dhexe sababtoo ah Mudug iyo Galgaduud ayaa Is raaci la’a Hiiraan maxaad u maleyn.

Dawaldii shiikh shariif Waxay Gobolka Hiiraan u kala qeybisay laba gobol taas oo ahayd arin laga farxo si ay U dhistaan Dadka reer hiiraan  Hal maamul oo ay ku mideysanyihiin.Hiiraann

Maxaa u Diidaya in Hiiraan la kala qeybiyo hadii xilgii dawladii Afweyne uu siduu rabo wax u kala qeybin jiray Tusaale Gobalka Jubada Dhexe Gobal Ma u qalmaa Sidoo Kale Gobolka Nugaal Gobol ma u qalmaa.

Aragtida qabyaalada ku dhisneed ee Siyaad Barre waxaa fahmay reer Haragaisa oo Maamulka Somaliland Wuxuu Gobol u aqoonsaday Gobolka Saaxil ee caasimadiisu tahay BERBERA.

Reer Hiiraan yaan loogu mar mar siyoon Laba Gobol Ma Noqon kartaan.

Qorsha Dawlada ee Hiiraan.

Ninka Talada DF Somalia maroojisady waa raisalwasaare  xiiranee waxa uu ku socdaa qorshihii  Siyaad Barre ee qabiileysiga waxaa uu la soo shir tagay qorsha cusub oo ah in rag siyaasiyiina inta la isugu keeno madaxtooyada warqdao laga saxiixo oo lagu dhawaaqo Maamul huwan shaarkii Dawlada.

Waxaa lagu sameeyay sidaas Maamulka curyaanka ah ee 3Gobol iyo midka Hada lagu wado in Galgaduud Iyo Mudug loo dhiso waa la yaabe jubooyinka maxaa sidaa loo yeeli waayay inta la soo shiriyo Barre Hiiraale iyo Axmad Madoobe Iyo Kuwa kale maxaa Villa Somalia loogu dhisi waayay Maamul Jubbooyinka ah ,sidaa lama yeelin balse waxaa loo xalaaleeyay Maamulkii ay Sharci darada ku dhiseen.

Qorshaha C/weli xiirane  waa in laba maamul oo waaweyn ay u dhisnaato beeshiisa(Puntland-Jubaland) iyo maamul 3 Gobol  oo xuduudiisu tahay Siinka dheer ee Xamar ilaa Baydhabo loo dhiso 3Gobolo si beesha Hawiye loo wiiqo.

Waxaan shaki ku jirin in qorshihiisa soo socda uu Noqon doono in Gobolada Hiiraan Iyo SHabeelada Dhexe uu Maamul gacan ku rimis ah u dhiso taas oo ah qorshaha kaliya ee uu uga adkaan karo maamulka Shabelle State ee inta badan Gacanta Ku haya Gobolka Shabeelda Hoose.

Hiiraan Iyo Shabeelda Dhexe.

Gobolka hiiraan iyo shabeelda dhexe waa laba gobol oo deris iyo walaal ah laakiin maamul iyo deegaan ahaan weligood wax ma wada qeybsan isku aragti iyo himilo midna ma ahan.

Tusaale Gobolka Hiiraan waa Gobol dhaca Xudunta Somalia waana Gobol Istaraaji ah xaga Ganacsigana aad ugu firfircoon waxbarasho wanaagsana leh oo ilaa hada waxaa ku yaala laba jaamacadood iyo dhowr macaahid.

Halka Gobolka Shabeelda Dhexe dadkiisu ay yihiin beera leey Iyo kaluumeysato mana lahan wax jaamcad ah oo ka jira Gobolka Dadkiisu waxay usoo hayaamaan Gobalka Banadir Iyo shabeelda hoose oo ay beesha inteeda kale degto.

Waxan is laheyn maxaa la isugu Nabayaa waa su,aale?

Reer Hiiraan Tashada Yaan La Idiin Talin.

Dabinka reer hiiraan loo dhigay waxay uga baxsan karaan in ay diyaariyaan Gogol lagu soo dhiso Dawlad Goboleedka Hiiraan State.

Awood maanta jirta oo gobolkooda ku haysta oo Alshabab aan aheyna ma jirto marka waxay si fudud u dhisan karaan Hiiraan State.

Dawlada Somalia sandula ayay ku aqbali doontaa Himilada  reer Hiiraan haday Rumeeyaan.

Clanka Hiiraan State.

1-Qeybta Buluuga waa calanka Jamhuuriyada Somalia.

2-Qeybta Cad waa Nabadgalyada.

3-Qeybta Cagaaran waa Barwaaqda iyo cagaaran ee Gobolka Hiiraan.

4-Cadceecda jaalada ah waxay astaan u tahay faafinta diinta islaamka iyo cilmiga ee gobolka uu caanka ku ahaay.

 

WQ/Abdirashid A Hassan

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!