Hishiis laga gaaray dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Beledweyne

by admin | Thursday, Oct 22, 2015

Beledweyne : HN :–Gollaha odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa maanta ku guuleysatay in   Heeshiin Rasmi ah la dhax dhigo beelihii dhawan ku dagalamay Xaafadda Howlwadaag ee Magaalada Baladweyne.

Kulanka Maanta lagu qabtay Bar Xassan dhiif ee Magaalad Baladweyne ayaa waxaa ka qeyb galay odayasha dhaqanka Gobolka Hiiraan Siyaasiga Yusuuf Axmed Hagar {Daba geed} Ahna Guudoomiyaha Guddiga Xalinta khilaafadka Gobolka Hiiraan odayal ka socda labada dhinac ee diriirtu dhaxmartay iyo xubno kale.

Hiiraan-Xog-News-6Goobta Munaasabad ayaa lagu soo bandhiga in hadda wixi ka dambeya uu dhamaday khiilafkii uu dhaxeyay Beelhii dhawan ku dagalamay Xafadda Howlwadaag ee Magaalada Baladweyne islamarkana Xal laga gaaray khilaafkii labada dhinac.

Kulanka ayaa looga dhaawaaqay guddi ka kooban labada Qabiil ee dirirtu dhaxmartay si looga shaqeeyo Nabada. Sido kale waxaa laga soo saray qodob ay ka mid yihiin.

1 In cidii jabisa qodobada lagu heshiiyay in laga qaadi doono Talaabo sharciga waafaqsan.

2 In dib loo furo Goobtihi Ganacsiga ee ku yaalla Xafadda Howlwadaag.

3 In la kala qaado Maleeshiyada labada dhinac.

4 in laga wada shaqeeyo Nabada.

5 in Maalinta bari ah la qabto Bananbax lagu Tageerayo Qodobada lagu heshiiyay.

Ugu danbeyntii hishiiska maanta la gaaray ayaa waxaa garwadeen ka ahaa Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas khaalif iyo Xubno ka Tirsan Golaha odayasha dhaqanka Gobolka Hiiraan kuwaaso u istagay sidii Xal looga gaari laha khilaafka uu dhexeya labada beelood.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!