Hishiis laga gaaray murankii ka jiray dekeda Muqdisho

by admin | Thursday, Oct 2, 2014

Muqdisho : HN :– Todobadyadii ugu danbeeyayba waxaa jiray cabasho xoogan oo ay muujinayeen muruqmaalka dekadda Muqdisho,kaddib markii ay howlha dekadda la waregtay shirkad laga leeyahay dalka Turkiga.

Maamulka dekedda magaalada caasumada ah ee Muqdisho iyo shirkadda dhawaan shaqada dekadda la waregtay ee Albeerek ayaa si wada jir ah u shaaciyey in xal laga gaaray cabashada muruqmaalka dekadda taas oo lugu dhammeeyey heshiis buuxa.

Cabdulahi Cali Nuur oo ah maareeyaha dekadda Muqdisho ayaa war qoraal ah oo ka soo baxay waxuu ku sheegay in heshiisu uu yahay mid laguu qanceen dhamaan inta ay quseyso.

Sidoo kale,waxaa halkaasi ka hadal guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliya ,Maxamuud C/kariin Gabeere waxaana uu sheegaydownload1 (1) qeybta gancsi ahaan ka quseysa Hishiiskaan.

Yuusuf Warsame oo ah guddoomiyaha muruqmaalka dekadda Muqdisho ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin hishiiskaan cusub uu ku tilmaamay mid muhiim u ah garab xamaalatadda.

Wasiirka wasaaradda badda iyo dakadda,Yuusuf Macalin Aamiin (Baadiyow) oo goobta ku sugnaa ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed haddii ay wadda-hadlaan ay wax walba ku dhameyn karaan is afgarad.

Muruqmaalka dekadda Muqdisho ayaa cabsi wayn ka muujiyey inay istagto shaqada ay ka hayeen dekadda,maadaama shirkadda cusub ay keenayso sida la sheegay qalab fududeynaya shaqada ay qaban jireen.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!