Hishiiska Gaalkacyo oo lagu waddo in maanta la soo gabagabeeyo

by wadani | Saturday, Dec 5, 2015

Gaalkacyo : HN :–Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa sheegaya in maanta la soo gabagabeynayo hishiis Arbacadii aynu soo dhaafnay kala saxiixdeen maamulada Galmudug iyo Puntland.

Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Galmudug oo shalay kulankii 3aad ku yeeshay garoonka diyaaradaha ayaa balan qaaday inay dhaqan gelin doonaan heshiiska, isla markaana ka dhabeyn doonaan balan-qaadkoodii ahaa in colaada la joojiyo.

Gaas-GuuleedKulanka waxaa goob joog ahaa Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynaha Jubbaland, Odayaal, waxgarad iyo culumaa’udiin ayaa la isku waafaqay in la sii wado dadaalada, isla markaana laga shaqeeyo nabad, waxaana labada dhinac ay la kala hadleen taliyeyaasha ciidamada, isla markaana fareen in xabad joojinta la dhaqan geliyo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa ayaa sheegay in wixii hada ka dambeeya dowladda Federaalka ay kula xisaabtameyso Madaxda Puntland iyo Galmudug Mas’uuliyadda nabad ku wada noolaanshaha dadka Gaalkacyo.

Wasiir Odawaa ayaa sheegay in Mas’uuliyiinta dowladda aanay marnaba ka tagi doonaan Gaalkacyo, illaa la xaqiijiyo nabadda, labada dhinacna ay adkeeyaan xasiloonida magaalada, dadkana ay dib u soo laabtaan.

Magaalada Gaalkacyo ayaa wali cidlo ah, iyadoo ay dibada uga maqan yihiin shacabkii ka barakcay oo aad moodo in aysan kalsooni badan ku qabin dadallada nabadeed ee socda.

Ugu danbeyntii, maanta ayaa la filayaa in labada madaxweyne Cabdiwali Max’ed Cali Gaas iyo C/kariin Xusseen Guulleed socod ku maraan qeybaha magalada ka kooban tahay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!