Hogaamiyaha mucaaradka Zimbabwe oo geeriyooday

by wadani | Wednesday, Feb 14, 2018

K/Africa :HN :-Hogaamiyaha xisbiga ugu weyn mucaaradka waddanka Zimbabwe, Morgan Tsvangirai, ayaa ku geeriyooday waddanka Koonfur Afrika, sarkaal sare oo ka tirsan xisbigiisa MDC ayaa sidaasi sheegay.

Mr Tsvangirai oo 65 sanno ku geeriyooday ayaa waxa uu horay Ra’iisul Wasaare uga soo noqday waddanka Zimbabwe, waxaana lagu soo warramayaa inuu la xanuunsanayay Kansarka mindhiciraha ku dhaca.

Mr Tsvangirai ayaa xirfaddiisa waxaa lagu xasuustaa inuu ku soo qaatay halgan dheer oo siyaasadeed oo uu kaga soo horjeeday Madaxweyne Robert Mugabe.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!