Hogaamiyayaasha maamulada Koonfur galbeed iyo Jubba oo gaaray Garoowe

by admin | Wednesday, Apr 29, 2015

Garoowe : HN — Iyadoo lagu waddo in gallinka danbe ee maanta uu ka furmo magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, ayaa waxaa goor dhaw halkaa gaaray hogaamiyayaasha maamulada Jubba iyo Koonfur galbeed Soomaaliya.

Axmed Madoobe oo ah hogaamiyaha maamulka Jubba oo safarka ku horeeyay ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Garowe ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas, waxaana kadib loo gelbiyay madaxtooyada Garoowe.

Waxaa siddoo kale goor dhaw gaartay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe  hogaamiyaha maamulka Koonfur galbeeddownload-16 Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyadoo uu soo dhoweeyay Madaxweynaha Puntland, waxaana garoonka ku sugnaa mas’uuliyiin iyo dadweyne lulayay calamada hogaamiyeyaashan.

Gelinka dambe ayaa la filayaa in magaalada Garowe, gaar ahaan Madaxtooyada Puntland ka furmo shirka hiigsiga sanadka 2016 ee ku aadan sidii Soomaaliya doorasho uga dhici laheyd, waxaana laga soo saarayaa war murtiyeed.

Kulankii kan ka horeeyay ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho oo madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul goboleedyada ay ku kulmeen, iyagoo soo saaray go’aamo wada jir ah oo ku saabsan sidii dalka loo gaarsiin lahaa sanadka 2016 doorasho, arrimaha amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!