Hogaamiyayaasha Soomaalida oo maanta shirkoodii ugu danbeeyay ku yeellanaya Muqdisho

by wadani | Tuesday, Oct 11, 2016

Muqdisho : HN :-Shirka madasha-wadda-tashiga hogaanka Qaran ayaa lagu wadaa in uu maanta ka furmo magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxana shirkaasi looga hadli doonaa arimo la xiriira dar dar galinta hannaanka doorashooyinka dalka iyo daminta colaadaha mar kale ka soo cusboonaaday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Shirkaani ayaa waxaa ka qayb gali doono madaxweynaha dalka, ra’iisul wasaaraha, gudoomiyaha baarlamaanka iyo madaxda maamul goboleedyada dalka.

10-ka bisha October, 2016 ayay ahayd in shirkaani uu ka furmo magaalada Muqdisho, balse dib u dhac ayaa ku yimid, waxaana la filayaa in maanta Madaxda Hogaanka Qaran ay ku gorfeeyaan arimaha kor ku xusan si xal looga gaaro.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!