Hogaamiye kaniisadeed oo lagu dillay magaalada Mombasa ee dalka Kenya

by admin | Sunday, Jan 11, 2015

Mombasa : HN :–Wararka naga soo gaaraya magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa shegaya in maanta lagu dillay halkaa  hogaamiye Kaniisadeed, xili uu damacsanaa in uu galo goob dadka Masiixiyiinta ah ay ku cibaadeysanayeen.

Ciidamada Booliska Mombasa ayaa xaqiijiyay dilkaas waxeyna sheegeen inay baaritaanno ku hayaan cidii dilkaas ka dambeysay.

Daa’uud Maxamed Nunow oo ah taliyaha booliska Magaalada Mombasa ayaa sheegay in nin hubeysan uu gadaal ka toogtay hogaamiyahaas Kaniisadeed oo damacsanaa inuu galo Iskuul dowladu ay leedahay oo dad Masiixiyiinta ah ay ku cibaadeysanayeen.

Wuxuu intaas ku daray Daa’uud in ay wadaan baaritaano ku saabsan cida ka dambeysay dilkaas iyo waliba qofkii dilkaas geystay, isagoona ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Mombasa iney la shaqeeyaan Ciidamada Bilayska si loo soo qabto gacan ku dhiigalahaas.

Wararku waxaa ay sheegayaan in dilka uu ka dhacay xaafada Majengo ee magaalada Mombasa oo sanadihii la soo dhaafayMagaalada_Mombasa_Kenya ay ka dhaceen dilal qorsheysnaa iyo waliba qaraxyo, wuxuu dilkaan noqonayaa kii ugu horeysay oo sanadkaan cusub ka dhacdo magaaladaas.

Xiligii dilka uu dhacayay maanta, ayaa wararku waxey sheegayaan in wadaadka Masiixiga ah uu ka dagan baabuur gaadidka dadweynaha ah; isla markaasna uu damacsanaa inuu gudaha u galo meel ay iskugu yimaadeen dad badan oo Masiixiyiin ah maalinta axada ah darteed.

Ragga dilka geystay ayaa wararku waxey xaqiijinayaan iney isku dayeen gudaha u galaan goobtii ay ku cibaadeysanayeen dadka Masiixiyiinta ah, balse waxaa ka hortagay ciidamo Boolis ah oo ku sugnaa goobtaas.

Dhanka kale, amniga magaalada Mombasa, ayaa aad loo adkeyay iyadoo dadka ku dhaqan magaaladaas ay ka cabsi qabaan in mar kale ay falal ka dhan ah amniga ka dhacaan.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!