Hogaamiye kooxeed sheegay in uusan ku lug laheyn dagaalladiii Guri-ceel iyo Dhuusa-mareeb

by admin | Tuesday, Dec 16, 2014

Guri-ceel : HN :– Hogaamiye kooxeedka lagu magacaabo Cabdi Nuure Siyaad [Cabdi Waal] ayaa waxba kama jiraan ku sheegay in ay ku lug lahaa dagaalladii dhawaan ka dhacay degmooyinka Guri-ceel iyo Dhuusa-mareeb ee dhaxmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dagaalyahannada Ahlu Sunna Waljameeca.

Hogaamiye kooxeedkan ayaa lagu eedeeyay in uu qeyb ka qaatay dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay gobolka Galguduud, isaga oo la safan ama gacan siinaya xoogagga Ahlu Sunna, laakiin waxaa uu dhinaciisa sheegay in wararkaasi yihiin kuwo waxba kama jiraan ah.

”Waxaan rabaa in aan idin cadeeyo anniga Galguduud kuma lihi ciidan ee dagaallama, wax shaqo ahna kuma laheyn dagaalladii halkaa kaCabdi-waal-170x114 dhacay, eedeymaha la ii soo jeediyay waa kuwo waxba kama jiraan ah ayuu yiri” Cabdi Waal.

Laakiin dowladda Soomaaliya ayuu ku eedeeyay in aysan wax ixtiraam ah siin sidda uu hadalka u dhigay xoogagga Ahlu Sunna oo ku tilmaamay xoogag qeyb ka ah siyaasada Soomaaliya kana mid ahaa saxiixayaashii sidda uu hadalka u dhigay Road Map.

Dagaalladii dhawaan ka dhacay degmooyinka Dhuusa-mareeb iyo Guri-ceel ayaa dhinacyadii isaga hor yimid waxaa uu dhinac walba kan kale ku eedeeyay in uu gacan ka hellayo awoodo kale.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!