Hooyo iyo Ilmo Yar oo ay dhashay oo haraad iyo gaajo ugu geeriyooday Bakool

by admin | Sunday, Sep 28, 2014

Bakool : HN :–Wararkanaga soo gaaraya deegaannka lagu magacaabo Aatto ee gobolka Bakool ayaa sheegaya iyo hooyo iyo caruureed haraad iyo gaajo ugu geeriyoodeen.

Xaaladda abareed ee deegaankaas ka jirta ayaa sababtay in hooyadan iyo carruurteed oo laba ahaa ay u geeriyoodaan biyo la’aan daran oo soo food-saartay, iyadoo ay jiraan dad badan oo iyaguna deegaankaas ay ku haysato biyo la’aan.

Guddoomiyaha deegaanka Aato, Dubad Xasan Cali ayaa sheegay in xaalad aad u khatar badan ay ka jirto deegaanka, isgaoo xusay in dadku aysan heli karin biyo ay cabaan, taasina ay keentay inay hooyadan iyo ilmaheedu u geeeriyoodaan harraad.

“Deegaanka Aato xaalad bani’aadamnimo oo aad u daran ayaa ka jirta, ma jirto cid gargaar keentay, dadkuna waxay u dhimanayaanOLYMPUS DIGITAL CAMERA harraad iyo biyo la’aan,” ayuu yiri guddoomiyaha deegaanka oo la hadlay warbaahinta isagoo ku sugan Aato.

Gobolka Bakool ayaa wuxuu ka mid yahay gobollada ay abaaruhu sida xun u samaayeen, iyadoo deegaanno gobolkaas ka tirsan ay horay harraad, biyo la’aan iyo macluul ugu geeriyoodeen tiro dad ah.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli beesha caalamka iyo madaxda dowladdu ay ka digayaan in abaaraha ka jira gobollada dalka qaarkood ay sababi karaan in macluul ay ka dillaacdo Soomaaliya, taasoo sababi karta dhimashada dad badan.

Dhanka kale, waxaa jira deeganno badna oo uu gobolka Gedo ka mid yahay oo ay dad ugu geeriyoodeen baahi iyo harraad, inkastoo hay’ado maxallin ah ay ka billaabeen biyo dhaamin, taasoo aan kaafin karin dadka gobolkaas ay ku haystaan dhibaatooyinka bani’aadamnimo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!