Horta culimadu dadka ma bareen waxa bidcadu aay tahay. WQ: Omar Suleiman Ali

by Yahye | Thursday, Jan 23, 2014

Ereyga بذعة waa erey Carabi ah oo loola jeedo wax cusub oo lagu soo kordhiyey diinta oo uusan rasuulku sheegin.

Waxay culumadu ku macneeyeen in ay tahay wax cusub oo lagu soo biirshay diinta iyo wax kale oo dhan.  البِدْعَة : ما استُحْدِث في الدِّين وغيره , aniguse waxaan lee yahay  فقظ البِدْعَة : ما استُحْدِث في الدِّين waayo wuxuu rasuulku na soo gaadhsiiyey waa diin keliya ee nama soo gaadhsiin cilmiga abuurka ee aynu u naqaan sayniska.

Cilmiga sayniska siyaabo kala duwan ayaa Quraanku uga hadlay waxaan ka soo qaadanayaa dhawr aayadood oo ay ka mid yihiin kuwan hoos ku qoran.

خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ بِالْحَقِّ وَصَوَّرَكُمْ فَأَحْسَنَ صُوَرَكُمْ ۖ وَإِلَيْهِ الْمَصِيرُ(التغابن 3).

Wuxuu cirarka iyo dhulka ku abuuray waxyaabaha xaqa ah markaas ayuu idiin qaabeeyey sida ugu quruxda badan. Waxaas xaqa ahi waa abuurka cirarka iyo dhulka iyo wax kasta oo ku dhex sugan iyo cilmigooda. Sidaas darteed cilmiga sayniska iyo maadooyinka jira ee kala duwan maado ka duwan oo ka cilmi duwan cidiba ma keeni kartid.

 إنَّا أَنزَلْنَا إِلَيْكَ الْكِتَابَ بِالْحَقِّ لِتَحْكُمَ بَيْنَ النَّاسِ بِمَا أَرَاكَ اللّهُ وَلاَ تَكُن لِّلْخَآئِنِينَ خَصِيماً (النساء 105).

Waxaanu kitaabka kuugu soo dejinay waxyaabaha xaqa ah si aad dadka ugu kala xukunto wixii Alle kaa baray dhagar qabayaashana ha u doodin oo ha daaficin.

 وَالْخَيْلَ وَالْبِغَالَ وَالْحَمِيرَ لِتَرْكَبُوهَا وَزِينَةً ۚ وَيَخْلُقُ مَا لَا تَعْلَمُونَ(النحل 8).

Iyo fardaha, baqalaha iyo dameeraha in aad rakuubsataan iyo bilic, wuxuuna idiin abuuri doonaa wax aydaan hadda garan karin.

Aayaddana waxay sharciyeynaysaa dhammaan ilaa qiyaamaha wixii gaadiid ah ee dadku samaystaan.

Nebi Nuuxna wuxuu Alle cj ku yidhi doonta samee annaga ayaa ku tusayna sida loo sameeyo eh.

فَأَوْحَيْنَا إِلَيْهِ أَنِ اصْنَعِ الْفُلْكَ بِأَعْيُنِنَا وَوَحْيِنَا فَإِذَا جَاءَ أَمْرُنَا وَفَارَ التَّنُّورُ ۙ فَاسْلُكْ فِيهَا مِنْ كُلٍّ زَوْجَيْنِ اثْنَيْنِ وَأَهْلَكَ إِلَّا مَنْ سَبَقَ عَلَيْهِ الْقَوْلُ مِنْهُمْ ۖ وَلَا تُخَاطِبْنِي فِي الَّذِينَ ظَلَمُوا ۖ إِنَّهُمْ مُغْرَقُونَ(المؤمنون 27).

Waxaan dhawrkaas aayadood ku soo gaabsanayaa in Quraanka iyo cilmiga abuurka Alle oo keliyihi ay yihiin xaqa jira. Marka wixii aan kitaabka ku dhignayn ama aan ka mid ahayn cilmiga saynisku waa baadil.

Wuxuu rasuulku na soo gaadhsiiyey waa diinta ee ma aha rasuul loo soo diray in uu dadka baro cilmiga saynisk, sidaas darteed wixii uu bidcada البِدْعَة ka sheegay wuxuu uga jeedaa diinta oo keliya ee culumadu yaanay dadka jahawareerin oo cilimiga sayniska ka dhigin in uu yahay bidco waayo maadadu waa ay jirtay cilmigeeduna waa uu jiray Aadam ka hor ee wax cusub oo hadda la keenay ma aha, cid abuur aan horay u jirin inta ay keenaan odhan kara waxaa abuuray Ilaah. Midda kale dadku iyagu ma abuuran ee Alle ayaa abuuray inta uusan abuurin dadka. Marka abuurkii jiray ee aan la aqoonin lama dhihi karo waa wax cusub oo hadda soo biiray ama kordhay, waayo abuurka ayay ka mid ahaayeen weligood.

Aayado kale oo sidaas oo kale ay culumadu dadka ku jahawareeriyeen ayaa badan. Matal suuradda الطارق aayadda خلق الانسان من ماء دافق يخرج من بين الصلب والترائ   iyaga oo ereyga الصلب mar ku sheegaya dhabarka الترائب kalxamaha marna waxay lee yihiin الصلب ayaa ah kalxamaha الترائب waa dhabarka.

Wuxuu kale oo Ilaah noo sheegay إن الله لا يغفر أن يشرك به ويغفر ما دون ذلك لمن يشاء ومن يشرك بالله فقد افترى إثما عظيما   

Ilaah in lagu shirkiyo ma cafiyo hase yeeshee wixii ka soo hadha ayuu cafiyaa, ruuxii Alle u shirki yeelaana wuxuu samaystay dembi been abuur ah oo culus. Markaas ayay culumadu iyaga oo soo daliishanaya aayadda hoos ku qoran ayay dheheen dembi kasta waa la dhaafaa.

قُلْ يَا عِبَادِيَ الَّذِينَ أَسْرَفُوا عَلَىٰ أَنْفُسِهِمْ لَا تَقْنَطُوا مِنْ رَحْمَةِ اللَّهِ ۚ إِنَّ اللَّهَ يَغْفِرُ الذُّنُوبَ جَمِيعًا ۚ إِنَّهُ هُوَ الْغَفُورُ الرَّحِيمُ(الزمر 53).

Taas oo markaas dadka ku dhiiri gelisay in ay galaan dembiyo aanayna ka waaban iyaga oo ku talo gelaya in ay toobad keeni doonaan. Waxaanse lee yahay wuxuu Ilaah cafiyaa wixii dembi ah laakiin shirkigu ma aha dembi ee waa ka culus yahay toobadna ma laha. Shirkigu waa fal xun oo aan shareecada Islaamka ku lahayn xad la mariyo qofka gala, dembiguna waa xumaan shareecada ku leh xad qofkii ku kaca la mariyo, xadkuna waa toobad keenis sidaas darteed falalka xunxun ee aan xadka lahayni ma laha toobad.

لَقَدْ كَفَرَ الَّذِينَ قَالُوا إِنَّ اللَّهَ هُوَ الْمَسِيحُ ابْنُ مَرْيَمَ وَقَالَ الْمَسِيحُ يَا بَنِي إِسْرَائِيلَ اعْبُدُوا اللَّهَ رَبِّي وَرَبَّكُمْ إِنَّهُ مَنْ يُشْرِكْ بِاللَّهِ فَقَدْ حَرَّمَ اللَّهُ عَلَيْهِ الْجَنَّةَ وَمَأْوَاهُ النَّارُ وَمَا لِلظَّالِمِينَ مِنْ أَنصَار(المائذة 72).ٍ

Waxaa runtii gaaloobay qofka dhaha Ciise In Maryama ayaa ah Ilaah iyada oo uu Ciisena dhahay Ilam Israa’iilaw Eebeheen caabuda, waayo ruuxii Alle u shirki yeela wuxuu runtii Alle ka carrimay janada hooygiisa rasmiga ahinawaa cadaabta kuwa godobta qabaana cid u hiilisa oo cadaabka ka saari kartaa ma jirto mana helayaan.

Waxyaabahaasi waa arrimaha dadka u fududeeyey in ay dambaabaan iyada oo ay toobaddu lee dahay shuruud adag oo uusan qofku ka soo bixi karin oo ah in uu marka hore naco oo uu dhibsado gelidda dembiyada ka dibna uu go’aan adag ka qaato in uusan mar dambe samaynin, kana dhabeeyo.

Hase yeeshee bidcadu sida uu rasuulku uga soo hadlay waa wax cusub oo aan diinta ka mid ahayn rasuulkana laga dhaxlin oo lagu soo kordhiyo diinta ee ma aha abuurka maadiga ah oo aadamiga ka hor jiray, hase yeeshee aan la aqoonin.

Haddii la yidhaahdo abuurka ayaa leh bidco waxaa loo fahmayaa in wax aan ka mid ahayn abuurka Alle dad abuureen ka dibna dheheen Ilaah ayaa abuuray, taasina wax dhici kara ma aha.

GUNAANAD

Bidcadu waa diinta oo lagu soo kordhiyo wax aan Alle iyo rasuulka toona ka sugnaan oo loogu been abuuranayo. Wuxuu rasuulku sheegay in ay ummaddiisu u kala baxayso dhowr iyo todobaatyan kooxood waxaan jannada ka geli doona hal mid oo keliya. Wuxuuna intaas raaciyey waa midda ku sugan waxa aannu aniga iyo asxaabtaydu maanta kusugan nahay. Marka ma jirin waqtigaas Suufiyo, Shabaab, Ictisaam, Al-Itixaad, Al-Islaax iyo kuwa kale ee tirada ka batay, waxaanna hubaa in ay markaas yihiin bidco aan laga dhaxlin rasuulkii.

Bidcadu waa iyada oo Alle lagu caabudo wax uusan isagu sharciyeyn, sida aayadani sheegayso أم لهم شركاء شرعوا لهم من الدين ما لم يأذن به الله ama waxaad dhahdaa Alle ha ku caabudina wax aan rasuulka iyo khulafaadiisii ka sugnaan. Wuxuuna rasuulku intaas ku daray waxaan idiinka tegayaa sunnadayda, sunnadii khulafadaydii loo bishaareeyey iyo mahdiga ee iga dambeeya si buuxda u qabsada gawsahana ku qabsada iskana jira waxyaabaha cusub ee idinku soo kordha. Cid kasrta oo Alle ku caabuda wax uusan sharciyeyn rasuulka iyo khulafadiisiina laga dhaxlin waa mid isagu wax samaystay oo bilaabay.

Gle-Sare-Omer-Suleiman-AliSh. Omer Suleiman Ali

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!

Fariimaha waxaad reebi kartaa adigoo Guest ahaan ah