Howl-gal Muqdisho laga sameeyay oo lagu soo qab qabtay hub iyo dad la tuhusan yahay

by admin | Wednesday, Nov 5, 2014

howl-gaMuqdisho : HN :– Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaa kuwa hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka ayaa howl gallo baaritaano ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir ku soo qabtay hub, waxyaabaha maanka dooriya iyo dad labaatameeyo ka badan oo lala xiriirinayo Al-Shabaab.

Ciidamada oo howlgalkoodu ahaa mid guri guri ah ayaa waxaa ay ka sameeyeen degmooyinka Hodan, Howl-wadaag, Warta Nabada, Yaaqshiid iyo Heliwaa.

Max’ed Yuusuf Cismaan afhayeenka wasaarrada ammniga ayaa warbaahinta u sheegay in howl galkan lagu xaqiijinayay ammaanka, isla markaana lagu soo qabtay dad kala duwan oo la tuhmayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, kuwaasoo uu xusay in qaarkood ay yihiin Saraakiil.

Howl-g“Howlgalladii ugu dambeeyay waxaa lagu soo qabtay 82 qof, baaritaanno dheer kaddib waxaa la ogaaday in 22 ka mid ah ay noqdeen horjoogayaal la yaqaano oo ka tirsan Al-Shabaab, gaar ahaan degmooyinka Yaaqshiid iyo Hodan ayay amiiro ka ahaayeen, waxaa sidoo kale lala wareegay labo garaash oo lagu diyaarinayay walxaha qarxa iyo shan gaadiid oo ay isticmaalayeen kooxaha magaalada fowdada mararka qaar ka geysanayay”ayuu yiri Afhayeenka Wasaarada Amniga Maxamed Yuusuf

Ciidamada Nabadsugida ayaa guryaha ay baarayeen, waxaana la arkayay ciidamada oo qolalka guryaha iyo alaabaha ku jira mid mid u baaraya, isla markaana ka raadinaya hub iyo waxyaabaha qarxa.

Intii howl galkan socdaya ayaa waxaa ilaa labo ruux lagu soo qabtay waxyaabaha maanka dooriya, sida qamriga macmalka ah, xashiishka, kuwaasoo la sheegay inay ka ganacsanayeen, iyadoo ciidamada ay la wareegeen dhismihii lagu ganacsanayay waxyaabaha maanka dooriya.

Howl galkan guri guriga ah ayaa maalmihii la soo dhaafay ka socday degmooyinka qaar, iyadoo la filayo in wajiga labaad uu ka bilowday degmooyinka kale, waxaana uu ka dambeeyay markii Gudiga Amniga Qaranka uu go’aamiyay in la sameeyo howl gallo baaritaano gur guri ah.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!