Howlgal ballaaran oo ay ciidamada dowladda ka sameeyeen qeybo ka mid ah Muqdisho

by admin | Sunday, Feb 1, 2015

Muqdisho : HN :– Ciidamada hay’adda nabad-sugida Qaranka ayaa howl gallo ballaaran ka sameeyeen qaar ka mid ah isgoysyada magaalada Muqdisho, ilaa deegaanka Ceelasha Biyaha, iyagoo bartilmaameedsanayay gaadiidka kala duwan ee maraya wadooyinka.

Waxaa la arkayaa ciidammada oo safaf dhaadheer galinaya gaadiidka maraya wadooyinka, iyagoo baarayay, isla markaana ku amrayay wadaha gaariga iyo dadka saaran inay ka soo degaan, si loo baaro, waxaana howl galkan maanta uu ka duwanaa howl galadii hore.

Sidoo kale Ciidamada ayaa baaritaano adag ku sameynayay gaadiidka soo galaya magaalada Muqdisho ee ka imaanaya dhinaca Ceelasha Biyaha, waxaana gaadiidka lagu baarayay halka lagu magacaabo Ex Koontarool Afgooye.

Intii uu socday howl galkan ayaa waxaa la arkayay wadada oo ahaa mid mashquul ah, isla markaana gaadiidka ay safaf dhaa-dheer kuhowlgallo jireen, waxaana ciidamada ay u muuqdeen kuwo feejigan.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka Maxamed Yuusuf Cusmaan ayaa sheegay in howl gallo baaxad leh oo bartilmaameed ah, ay sameeyeen Ciidamada ammaanka, isagoo xusay in la helay xogo ku aadan weeraro abaabulan in laga geysto magaalada Muqdisho.

“Howl gallo baaxad leh oo bartilmaameed ah ayay maanta ciidamada sirdoonka iyo nabadsugida qaranka ka sameeyeen Gobolka Banaadir iyo Shabeellaha Hoose, laga bilaabo isgoysyada Dabka ilaa Ceelasha Biyaha”ayuu yiri Maxamed Yuusuf.

Waxaauu sheegay in baabuurta soo galeysa magaalada Muqdisho la koontaroolayo, lana diiwaan gelinayo darawalka wada iyo taargada gaadiidka, si ay ugu hortageen in qaraxyo laga soo buuxiyo gaadiidka in magaalada la soo geliyo.

Si kastaba ha ahaatee howl galadan ayaa ku soo beegmaya, iyadoo dhowrkii maalmood ee u dambeeyay ay xaalada magaalada Muqdisho aheyd mid degan, inkastoo mararka qaar qaraxyo iyo dilal ay ka dhacaan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!