Howlgal dad badan lagu soo qab qabtay oo laga sameeyay magaalada Baydhabo

by admin | Sunday, Feb 22, 2015

Baydhabo : HN :–Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa maanta howl gallo ballaaran ka sameeyay magaalada Baydhabo, kaasoo hakad geliyay dhaq dhaqaaqii guud ee ganacsiga iyo gaadiidka, iyadoo intii uu howl galkan socday lagu qab qabtay dad badan.

Ciidammada ayaa baaritaan ku sameynayay guryaha qaar ee xaafadaha magaalada Baydhabo, iyadoo ciidamadana si feejignaan ku dheehan tahay ay wadooyinka hareeraheeda u tubnaayeen.

Taliye kuxigeenka saldhiga Booliska Baydhabo G/lle Cali Salaad Maxamed ayaa sheegay in howl galkan ay ku qab qabteen dad fara badan oo lagu tuhmayo inay qeyb ka ahaayeen falalka amni daro, ayna sii wadi doonaan howl galadan oo kale.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadka lagu qab qabtay howl galkan lagu tuhmayo inay ku lug leeyihiin dilalkii uMagaalada_Baydhabo_ee_Xarunta_Gobolka_Bay dambeeyay ee ka dhacay magaalada Baydhabo, kaasoo loo geystay culumaa’udiin caan ka ahaa magaalada.

Ilaa saddex wadaad oo caan ah ayaa bishan gudaheeda iyo bishii hore lagu dilay Baydhabo, iyadoo culimadan ay ka tirsanaayeen Dariiqada Ahlusunah Wal-jameeca.

Maamulka Koofur Galbeed ayaa horay ugu eedeeyay Al-Shabaab inay ku lug lahaayeen dilalkan loo geystay culimada, ayna jiraan dad loo qab qabtay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!