Howlgal dad lagu soo qab qabtay oo ay oo laga sameeyay magaalad Kismaayo

by Somali | Thursday, Dec 13, 2012 | 2 views

Kismaayo : HN:  Wararka laga hellayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobollka Jubbada hoose ayaa sheegay in howlgal dad lagu soo qab qabtay ay halkaa ka sameeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya.

Howlgalka ayeey saraakiisha ciidamada sheegeen in yihiin kuwo lagula dagaallamayo falalka amaanka ka dhan-ka ah ee inta badan ka dhaca magaalada, dhinaca kalana lagu baadi goobayo kooxo ka tirsan Al-shabaab.

‘’Howlgalka waxaa lagu soo qabqabtay dad u badan dhalinyarro la tuhusan yahay su’aalo ayaa la weydiinayaa oo wali baaritaan ay ku socda, wali lama kala saarin, cidii aan danbi laheyn waa la sii deynayaa ayeey sheegeen saraakiisha dowladda ee   ku sugan magaalada Kismaayo.

Magaalada Kismaayo oo ay si wada jir ah gacnta ugu hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya, Kenya iyu kuwa Raaskanbooni ayaa inta badan waxaa ka dhacay falal isugu jira weeraro toos ah iyo waliba qaraxyo.

Hiiraan Net.

 

Like it? Share it!