Howlgal dad lagu soo qab qabtay oo laga sameeyay magaalada Kismaayo

by admin | Wednesday, Nov 12, 2014

Kismaayo : HN :–Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa sheegay in howlgallo xalay ilaa maanta ay ka sameeyeen ciidamada magaalada lagu soo qab qabtay tiro dad ah.


Howlgalladan ayaa si isku mid ah uga soconaya shanta xaafadood ee ay ka koobantahay magaalada Kismaayo, iyadoo xaafadahaasi aad ku arkeeyso ciidamo aad u tiro badan oo baaraya guryaha ay daganyihiin dadka shacabka ah, waxaana sidoo kale ciidamo la dhigay isgoysyada magaalada kuwaasoo baaraya gaadiidka.

Taliyaha Booliska degmada Kismaayo Col Aadan Baxdoos Ibraahim oo warbaahinta kula hadlay afaafka hore ee saldhigga degmadaKismaayo Kismaayo ayaa sheegay in howlgalladii soconayay ilaa xalay ay kusoo qabqabteen dad gaaraya ilaa 1,100 qof, kuwaasoo uu xusay in ay ku xiranyihiin saldhigga dhexe ee degmada Kismaayo, ayna mari doonaan baaritaaanno.

“Howlgalladii socday  1100 qof ayaan kusoo qabannay, baaritaanno ayaa la marin doonaa, cidii danbi lagu helo sharciga ayaa la horgeyn doonaa, cidii aan danbi lahayna waa la sii deyn doonaa,” ayuu taliyuhu hadalkiisii raaciyay.

Masuulkan ayaa sidoo kale sheegay in  intii ay socdeen howlgallada ay gacanta kusoo dhigeen dhalinyaro uu xusay in ay tuhunsanyihiin in ay ka tirsanyihiin Al-shabaab.

Howlgalladan ayaa kusoo beegmaya xilli labadii maalmood ee ugu danbeeyay ay magaalada Kismayo ka dhacayeen falal lidi ku ah ammaanka, waxaana howlgallada soconaya ay saameyn ku reebeen dhaqdhaqaaqii bulshada iyo weliba ganacsigii ka socday suuqyada waaweyn ee magaalada Kismaayo.

Hiiraan Net.

 

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!