Howlgal ka dhan ah Al-shabaab oo ka bilaabanaya gobollada Jubbooyinka

by admin | Sunday, Oct 5, 2014

Kismaayo : HN :– Hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed Max’ed Islaam [Axmed Madoobe ] ayaa u qabtay mudo 48 saac ah dhalinyarrada ka tirsan Al-shabaab, isaga oo sheegay in dhawaan ay bilaabanayan howlgalo ka dhan ah Al-shabaab.

Madaxweeynaha ayaa sheegay in howlgalladan ay yihiin kuwo ay doonayaan in xoogagga Al-shabaab ay uga saaraan deegaanada iyo degmooyinka ay uga suganyihiin gobollada Jubbooyinka.

“Waxaa jiro dagaal lagu jiro oo kasoo horjeeda Al-shabaab, waxaan rabnaa inaan u sheegno 48-da saacadood ee soo socota cid kasta oo isaAxmed-Madoobe soo dhiibtaa maamulku wuu aqbali doonaa, laakin wixii inta ka danbeeyo ninkii dagaal lagu qabto keeyfiyadii dagaalka loogu qabtay ayay ku xirnaan doontaa, waana la howlgeli doonaa wax la qarinayana maahan, 48-saacadood ee soo socota,” ayuu madaxweeynuhu hadalkiisii raaciyay.

Xoogagga Al-shabaab ayaa maamula degmooyinka iyo deegaano ka tirsan gobolka J/hoose iyagoo si buuxda gacanta ugu haya guud ahaan gobolka J/dhexe.

Magaalada Kismaayo ayaa laga dareemayaa diyaargarow ku aadan howlgallada la filayo in ciidamada maamulka Jubba yo kuwa AMISOM ay qorsheeynayaan in ay ka bilaabaan gobollada Jubooyinka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!