Howlgal laga sameeyay Galguduud iyo saraakiil Al-shabaab ah oo la soo qabtay

by admin | Sunday, Oct 11, 2015

Dhuusa-mareeb : HN :–Ciidammada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM ee degmada Ceelbuur, ayaa howlgal ay waxaa ay ku soo qabteen saraakiil ka tirsan Al-shabaab.

Mid ka mid ah saraakiisha dowladda oo lagu magacaabo Axmed Xasan Caraale  ayaa sheegay in saraakiishan ay qabteen ay ka midCeelbuur1-515x322 ahaayeen saraakiishan Al-shabaab ee muddo dheer ay ku raad-joogeen.

“Saraakiishan waxay ka mid ahaayeen kuwa sare ee Al-shabaab, waxaan kasoo qabanay duleedka degmada Ceelbuur kaddib howlgallo ay ciidamadu ka sameeyeen. Maxkamadda ayaana loo gudbin doonaan, annaga ayaa naqaannay, waana kuwii nagula dagaalami jiray degmada,” ayuu yiri taliyaha.

Ma jirto ilo wareedyo kale oo madax-banannaan oo xaqiijinaya hadalka taliyaha ciidamada Somalia ee degmada Ceelbuur, iyadoo sidoo kalena aysan Al-shabaab ka hadlin dhankeeda xubnaha la sheegay inay kooxdooda ka tirsan yihiin ee lagu qabtay gobolka Galguduud.

Ugu dambeyn, waxaa xilliyadii u dambeeyay ay ciidamada dowladda Somalia ka wadeen howlgallo ka dhan ah Al-shabaab deegaanno ka tirsan gobolka Galguduud ee bartamaha Somalia, kuwaasoo lagu qabqabtay tiro ka mid ah Al-shabaab.

Hiiraan net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!